Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in isbedel dhanka maamulka ah uu ka dhacay degmada Beledxaawo, halkaas oo sannadadii lasoo dhaafay ay gacanta ku haysay kooxda Riddada Soomaaliya.
Boqolaal maleeshiyaada oo daacad u ah Axmed Madoobe ayaa gudaha ugalay magaalada, waxayna iclaamiyeen in maamulka degmada uu dhankooda usoo wareegay.
Maxamuud Sayid Aadan oo ku magacaaban madaxweyne ku xigeenka maamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland oo goob fagaare ah ka hadlay ayaa sheegay in Beledxaawo ay si nabad ah kula wareegeen ayna bilaabi doonaan dhismaha maamulka dhankooda taabacsan.
Taliyaha booliska kooxda Riddada Soomaaliya ugu magacaaban Gedo oo isna arrintan ka hadlay ayaa xaqiijiyay in magaalada ay soo galeen maleeshiyaadka Axmed Madoobe balse aysan wax dagaal ah dhicin.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Cabdirashiid Janan oo Indha Koreey loo garan ogyahay uu diyaarad ka raacay degmada Mandheera isagoo usii gudbay Nairobi,ninkan oo kooxda Riddada ugu magacaawnaa taliyaha sirdoonka Gedo ayaa lacago malaayiin dollar ah ka qaatay Axmed isagoo kuwareejiyay wixii hub iyo ciidan ahaa ee uu hayay.