Magaalada Dubai ee wadanka Imaaraatka waxaa ka socda abaabullo diblumaasiyadeed iyo kuwa dhaqaale oo lagu xoojinayo maamulka Somaliland ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, tani waxay timid maalmo kadib markii uu dagaal diblumaasiyadeed ka dhaxqarxay Imaaraatka Carabta iyo kooxda Riddada Soomaaliya.
Maamulka Somaliland ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kula saxiixatay shirkad lagu magacaabo Regal Earth heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan sahaminta khayraadka macdanta iyo samaynta daraasado juqraafiyeed, tallaabadaas oo qayb ka ah dadaallada uu maamulka Hargeysa ku doonayo in uu kobciyo dhaqaalaha isla markaana uu maalgashi shisheeye ku soo jiito qaybta macdanta.
Heshiiskan ayaa dhexmaray Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland iyo shirkadda Regal Earth oo xarunteedu tahay magaalada Dubai, sida wararku sheegayaan shirkaddan qaabilsan sahminta macdanta iyo dahabka waxaa laga leeyahay dalka Taywaan, heshiiskan waxaa la saxiixay kaddib kulammo shaqo oo muddo saddex maalmood ah ka socday Dubai, kuwaas oo ay ka qaybgaleen wafdi wasaaradeed oo uu hoggaaminayay wasiirka Tamarta iyo Macdanta ninka lagu magacaabo Axmed Jaamac Barre, iyo madaxda shirkadda Regal Earth.
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland, Axmed Jaamac Barre, ayaa bishii Febraayo 2026 wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in macdantu mustaqbalka noqon karto tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha maamulka iusku magacaabay Somaliland, wuxuu xusay in dhaqaalaha maamulka Hargeysa uu hadda si weyn ugu tiirsan yahay xoolaha nool, kuwaas oo lagu qiyaasay inay ka yihiin ku dhowaad 60% dhaqaalaha.
Macdanahan ayaa leh muhiimad dhaqaale iyo mid istiraatiijiyadeed gaar ahaan Liihiyoowm-ka oo si weyn loogu isticmaalo samaynta baytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya iyo kaydinta tamarta, halka tantalum iyo niobium ay muhiim u yihiin warshadaha elektaroonigga iyo qalabka casriga ah gaar ahaan taleefannada loo yaqaan Smart Phone-ka.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa umuuqata in ay si aad ah uxoojinayso maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira arrinkaas oo ka caraysiiyay hoggaanka kooxda Ridada Soomaaliya.