Ciidamada Mujaahidiinta ee jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin iyo xoogagga Azawaadka, ayaa maanta dib u billaabay gulufka millatari ee ay kula wareegayaan magaalooyinka dhaca dalka Maali.
Weeraro isku mar ah oo aad u heer sarreeya ayay ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Nusratul-islaam iyo xoogagga Azawaadka ku qaadeen magaalooyin iyo difaacyo ay ku sugnaayeen ciidanka Riddada Maali iyo ciidanka murtazaqada Ruushka.
Weerarka ugu culus, ayaa ka dhacay oo gacanta Mujaahidiinta Nusratul Islaam iyo xoogagga Azawaadka kusoo gashay magaalada Anifiif ee dhacda Koonfurta Kiidaal.
Ilo wareedyo, ayaa sheegay inay halkaas ka dhaceen dagaallo culus, laguna dilay sidoo kalena lagu dhaawacay tobaneeyo isugu jira ciidanka Riddada Maali, askar nool ayaa sidoo kale la sheegay in gacanta lagu dhigay, halka kuwa kalena ay isa soo dhiibeen, waxay sidoo kale Mujaahidiinta Maali gacanta ku dhigeen hub saanad ciidan iyo gaadiid nooca kuwa Gaashaaman ah.
Weeraro kale oo culus ayaa laga soo calaamadiyay magaalooyinka Gaw, Agwelhook iyo Seyfaari, xogo kale ayaa sheegaya in weeraradan culus ee dib uga qarxay dalka Maali lagu soo riday diyaarad nooca Miigga ah ee Sookhay ee uu Ruushku leeyahay, wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin warkaasi.
Weerarradu waxay sidoo kale beegsadeen xabsi wayn oo kuyaalla meel u dhow magaalada Bomako, ciidamada Mujaahidiinta Nusratul islaam ayaa xabsigan lasoo wariyay inay qabsadeen, waxay sidoo kale weeraradu gaareen magaalada Moobti, gaar ahaan konna iyo Kuwakuro.
Qaraxyo iyo rassaas culus, ayaa laga maqlay tuulada Leere oo u dhow xuduudka Murutaaniya, halkaas waxaa ku sugan ciidanka Riddada Maali iyo maleeshiyaadka murtazaqada ah ee Ruushka, lama oga in qaraxyada iyo rassaasta laga maqlay tuuladan ay xiriir la leedahay weerarada culus ee dib u billowday.Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada gaar ahaan barta X, ayaa muujinayay dagaalyahanno aad u hubeysan oo ka tirsan Nusratul-islaam oo gudaha u galaya, taqadum ballaaran iyo is-fidinna ka wada magaalooyin istaraatiiji ah oo dhaca dalka Maali.
Ciidanka Riddada Maali, ayaa xaqiijiyay in weeraro culus lagu ekeeyay saldhigyo ciidan oo ay ku sugnaayeen, sidoo kale waxay qaadeen weeraro duqaymo ah oo ka dhan ah shacabka abriyada ah.
Mid ka mida duqaymaha ay fuliyeen ciidanka Riddada Maali iyo kuwa murtazaqada Ruushka, ayaa beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa tuulo lagu magacaabo Zarho, sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay weerarka arxan-darrada ah ee cadowgu ku beegsadeen dadka shacabka ah.