Howlgal qarax ah oo ay ciidamada Mujaahidiintu maanta ka fuliyeen gudaha degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe, ayaa lala eegtay ciidamo saliibiyiin Burundees ah oo ku sugnaa xerada ay ka daggan yihiin magaalada Balcad.
Allaah fadligiis howlgalkan qaraxa ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana inta la hubiyay ku dhintay 1 askarin oo Burundees ah, halka 9 kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaanu helnay magaca askariga ka tirsanaa ciidanka kuffaarta Burundi ee weerarka ku dhintay, kaasi oo lagu magacaabi jiray Michael.
Dhanka kale, ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ka howlgala wilaayada Sh/hoose, ayaa maanta waxay weerar ku qaadeen xerada maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Mubaarak.