Khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeed, ayaa ka dhashay dhacdo laga soo calaamadiyay caasimadda Kenya ee Nairobi.
Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay, halka 11 kalena ay dhaawacyo soo gaareen, ka gadaal markii darbi dhismihiisu socday uu ku dumay shaqaale gacanta ku hayay dhismahaasi, kuwaas oo ka howlgalayay waddada Riverside Drive ee magaalada Nairobi.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay inay goobta gaareen, iyagoo bilaabay baadigoob iyo samatabbixin, soona saaray 11 qof oo nool, kuwaas oo ay sheegeen inay u gudbiyeen xarumo caafimaad.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii lix qof ay ku dhinteen dhisme ku dumay waddada Mombasa ee magaalada Nairobi, dhacdadan cusub iyo kuwii kasii horreeyayba waxay abuureen walaac laga qabo badbaadada dhismeyaasha ka socda caasimadda dalka Kenya.
Labadan dhacdo waxaa kasii horreysay dhacdo uu ku dumay dhisme dabaq ah oo ka koobnaa ilaa 13 biyaano, dhismahan oo oo ay leeyihiin Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii ayaa si lamafilaan ah uburburay, waxaana halkaas ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.