Ciiidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay weerar loo adeegsaday madaafiic ku garaaceen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ka deganyihiin degmada Buula barde ee wilaayada Hiiraan, waxaana saldhiggaaas ku sugnaa taliyaha guud ee maleeshiyaadka dowladda federaalka General Odowaa Yusuf Raage.
Ilo wareedyo mas’uul ah waxay xaqiijinayaan in dhowr madfac ay ku dhaceen gudaha saldhigga , waxayna ilo wareedyadu intaas ku darayaan in duqaynta ay gaystay khasaare kala duwan.
Waxay wararku sheegayaan in Generaal Odowaa Yuusuf Raage uu xalay ku hoyday saldhigga ciidanka dowladda, ka dibna uu la kulmay weerarkan duqaynta ah ee kaga yimid dhanka shabaabul Mujaahidiin.
Wali si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay numberka khasaare ee ka dhashay duqayntii lagu garaacay saldhigga ciidanka dowladda ee degmada Buula barde.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com