Qarax xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Kismaayo ee wilaayada Jubbooyinka waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen sarkaal ka tirsan sirdoonka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland.
Qaraxa oo jugtiis si wayn looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Kismaayo waxa si gaar ah loola beegsaday gaari uu la socday Nuunow Cali Bayow oo ka tirsan saraakiisha PS-ta maamulka Ridada Jubbaland xilli uu marayay gudaha degmada.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in qaraxa uu haleelay gaariga sarkaalka la beegsaday hase ahaatee uu isaga si dirqi ah kaga badbaaday, balse uu goobta ku burburay gaariga mutadka la beegsaday.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale loogu beegsaday saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, waxaana uu weerarkan qayb ka yahay howlgallada shabaabul Mujaahidiin ee ka dhanka ah madaxda murtadiinta.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com