Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisin maleeshiyaadka dowladda federaalka ay ka samaysteen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen maleeshiyaadka Ridada.
Ciidamada shabaabul Mujaahidiin waxay weerarkan cagta ku mariyeen fariisinka maleeshiyaadka dowladda ee degmada Deyniile gaar ahaan nawaaxiga xarunta maamulka degmada.
Hugunka rassaasta la isku adeegsanayay dagaalka waxaa si wayn looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmada Dayniile, Waxaana goobta cagta lagu mariyay ciidanka dowladda.
Ilo wareedyo masuul ah waxay xaqjiiiyeen in weerarka lagu dilay 3 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii murtadiinta ee ku sugnaa fariisinka, waxaana weerarkaasi lagu soo furtay 3 qori iyo baashashkooda.
Weerarkan ka dhacay gudaha degmada Dayniile waxa uu kusoo beegmayaa xilli ciidamada jabhadda Mujaahidiinta iyo guutada sida gaarka ah u tabobaran ee Maxamed Ibnu maslamah ay sii kordhiyeen howlgalladooda tooska ah iyo kuwa iqtiyaalaadka ah ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com