Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar loo adeegsaday camaliyad Istish-haadiyo oo koonfurta wilaayada Mudug lagula beegsaday talis ciidan oo maleeshiyaadka dowladda federaalka ay ka samaysteen duleedka degmada Bacaaweyn.
Howlgalkan Istish-haadiga waxaa fuliyay geesi ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, kaas oo gaari uu kaxeynayay bartanka ka dhigay xarunta taliska.
Ilo wareedyo deegaanka ah waxay wariyeen inay maqlayeen jugta camaliyadda oo si wayn looga maqlay deegaannada ku dhow dhow degmada Bacaadweyne.
Sida ay baahisay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus waxaa camaliyaddaasi Istish-haadiyada ah lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Galmudug, kuwaas oo ku sugnaa taliska ciidan iyo dhaawaca 8 kale.
Sidoo kale camaliyaddu waxay galaafatay 4 gaari kuwaasi oo ku burburay camaliyaddii saaka ka dhacday duleedka Bacaadweyne, waxaana gaadiidkaasi ka mid ahaa gaari uu saarnaa qori nooca Zuugga, gaari nooca kuwa xamuulka qaada, gaari kale oo booyad ah iyo gaari nooca raaxada, kuwaas oo dhex yiilay gudaha taliska.
Camaliyaddan Istish-haadiyada ee maanta ka dhacday duleedka degmada Bacaadweyne waxay kusoo beegmaysaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay maleeshiyaadka dowladda Ridada federaalka ah ay dhaqdhaqaaqyo iyo abaabullo ciidan ka wadeen deegaanno dhaca koonfurta wilaayada Mudug, isla markaana ay dhaqdhaqaaqyadaasi fashiliyeen ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com