Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo lagu hoobtay oo maanta markale duleedka deegaanka Qaycad ku dhexmaray ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaadka Ridada oo dhanka hawada sare ay ka taageerayaan diyaaradaha Maraykanka.
Ilo muhiim ah waxay sheegayaan in maleeshiyaadka huwanta ah dhowr jeer maanta lagu jabiyay isku dayo ay ku doonayeen inay kula wareegaan deegaanka Qeycad balse waxay iska caabin xoog leh kala kulmeen ciidamada shabaabul Mujaahidiin oo ciidamada huwanta baday inay dib u gurtaan.
Diyaaradaha dowladda saliibiyadda Maraykanka waxay 2 gantaal oo ay ku taageerayaan ciidamada Soomaalida ku dhufteen dhulka baadiyaha waxayna xuguhu sheegayaan in gantaaladaas aysan wax khasaare ah gaysan.
Macluumaadkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada dowladda askar badan looga laayay dagaalka ayna goobihii lagu dagaallamay uga carareen maydadka askartooda. waxaana hadda goobihii lagu dagaallamay ku sugan ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
Halkan Ka Dhagayso Macluumaadka Dagaalladii Maanta Dhacay.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com