Weeraro culus oo khasaare kala duwan dhaliyay ayay ciidamada shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda xabashida Itoobiya ay ka samaysteen koonfurta dalka Soomaaliya.
Saldhigyada Axmaarada lagu weeraray waxa ka mid ah saldhigga ay ka samaysteen degmada Xudur ee wilaayada Bay iyo Bakool, Waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ilo xog ogaal ah waxay xaqiijiyeen in dagaalka waxyeello xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka soomaalida ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.
Ciidamada shabaabul Mujaahidiin waxay sidoo kale weerar culus ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka dowladda Ridada iyo ciidamada xabashida ee degmada Waajid, dagaalka ka dib waxay ciidamada axmaarada sidii caadada u ahayd ba madaafiic ku garaaceen dhulka baadiyaha lamana soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicda axmaarada.
Degmada Diinsoor waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ku weerareen saldhigyada ciidamada axmaarada iyo maleeshiyaadka Soomaalida waxaana jira khasaare kala duwan oo weeraradaas ka dhashay.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com