Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay wilaayaadka Banaadir iyo Bay iyo Bakool, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu dilay saraakiil ka tirsanaa dowladda federaalka.
Howlgalka koowaad oo ah mid qorsheysan waxay Mujaahidiintu ka fuliyeen saldhigga galbeed degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha ciidanka booliska dowladda Ridada.
Sarkaalka oo darajadiisu ahayd labo xidigle waxa uu ka mid ahaa saraakiisha sare ee booliska dowladda federaalka waxaana lagu magacaabi jiray Indha buur.
Howlgalka kale oo ahaa mid si wanaagsan loo dajiyay waxay Mujaahidiintu ku dileen mid ka mid ah masuuliyiinta maamulka degmada Bardaale.
Ciidamada Mujaahidiintu waxay howlgalka ku dileen mid ka mid ah guddoomiye waaxeedyada degmada Bardaale waxaana horay looga furtay 2 qori oo nooca AK47 ah.
Howlgalladaan ka kala dhacay Banaadir iyo Bakool waxay kusoo beegmayaan xilli ciidanka shabaabul Mujaahidiin ay sare u qaadeen howlgalladooda jihaadiga ah ee ka dhanka maleeshiyaadka dowladda iyo ciidamada shisheeyaha.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com