Xogo faahfaahsan waxay kasoo baxayaan dagaallo safmar ah oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen saldhigyada ciidamada saliibiyiinta Kenya iyo xabashida Itoobiya ay ka samaysteen wilaayaadka Gedo iyo Jubbooyinka.
Dagaalka koowaad waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ku mireen saldhigga ciidamada kuffaarta Kenya ay ka samaysteen demada Ceelwaaq ee wilaayada Gedo.
Ilo wareedyo muhiim ah waxay xaqiijiyeen in dagaalka khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada kuffaarta Kenya ee ku sugan saldhigga Ceelwaaq.
Dhanka kale waxay ciidamada Mujaahidiinta weerar xcoggan ku qaadeen saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ay ka samaysteen garoonka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Dagaalka oo dhacay xilli habeen ah waxay ilo wareedyadu soo sheegayaan in uu jiro khasaare kala duwan balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay numberka khasaare.
Dhanka wilaayada Jubbooyinka waxay ciidamada Mujaahidiinta dagaal culus ku qaadeen saldhigga ciidamada kenya ee degaanka Hoosingow ee wilaayada Jubbooyinka.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com