Ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Xoosh ee madiina ku dileen askari booliska Ridada ka tirsanaa kaas oo lagu magacaabi jiray Sadaam.
Askariga la khaarajiyay waxay ciidamada Mujaahidiintu kasii ghaniimeysteen mooto bajaaj uu lahaa askariga booliska ee la dilay.
Dhanka kale qaraxyo dhowr ah waxay ciidamada Mujaahidiintu la beegsadeen fariisimo dhow ah oo maleeshiyaadka dowaldda Ridada ay ka samaysteen magaalada Muqdisho.
Qarax culus oo ka dhacay xaafadda tawakal degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho laguna beegsaday goob fariisin u ahayd maleeshiyaadka dowladda Ridada waxaa ku dhaawacmay 4 askari oo murtadiin ah.
Askarta qaraxa ku dhaawacantay waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdulle oo ku magacaaban madaxa canshuuraha murtadiinta ee xaafadda Tawakal.
Waxaa qarax kale oo xooggan lagu weeraray fariisinka ciidamada dowladda Ridada ee agagaarka masjidka Biyamaalow degmada howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus oo toos ah ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaadka Ridada iyo ciidamada kuffaarta Afrikaanta ay ka samaysteen degaammada Calamada, Taabto iyo degmooyinka Afmadow iyo Diinsoor kuwaas oo kala dhaca gobollada Sh/hoose Jubbooyinka iyo Bay iyo Bakool.
Ilo wareedyo muhiim ah waxay sheegayaan in dagaalladan safka ah khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda iyo kuwa shisheeyaha afrikaanta balse lama hayo tirada rasmiga ah ee ku waxyeellowday dagaallada.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com