Howgal si wanaagsan loo qorsheeyay oo maanta ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho waxay ku dileen sarkaal iyo askari ka tirsanaa sirdoonka dowladda Ridada federaalka.
Howlgalka oo ahaa mid ay fuliyeen rag ka tirsan katiibada sida gaarka ah u tabobaran ee Maxamed Ibnu Maslamah waxay ku khaarajiyeen Qooreey oo ahaa sarkaal ka tirsanaa waxa loogu yeero nabadsugidda dowladda Ridada iyo askari kale oo isna ka tirsanaa sirdoonka Ridada.
Weerarkan gaarka ah waxa uu ka dhacay halka loo yaqaan tabeellaha Sheekh Ibraahim gaar ahaan dhanka xigta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho waxaana askariga lala dilay sarkaalka lagu magacaabi jiray Buulle.
Ilo xog ogaal ah waxay xaqiijiyeen in askariga iyo sarkaalka oo wada socday ay hal goob ku wada dileen ciidamada katiibada Maxamed Ibnu maslamah, howlgalka ka dibna waxaa goobta si nabdoon kaga dhaqaaqay raggii fariidyada ahaa ee howlgalka fuliyay.
Goor dambe oo maanta ah waxaa goobtii uu dilku ka dhacay soo gaaray maleeshiyaad murtadiin ah kuwaas sida caadada u ahaydba goobta ka qaaday maydadka sarkaalka iyo askariga ay Mujaahidiintu dileen.
Howlgalka gaarka ah waxa uu kusoo beegmayaa xilli xalay ciidamada shabaabul Mujaahidin ay dagaal toos ah ku qaadeen fariisin maleeshiyaadka dowladda Ridada federaalka ay ka samaysteen xaafadda Daallo ee degmada howlwadaag.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com
Maashaa Allah
Gaalada dalkeena kusoo duushey marwalbo waxay la kulmaan ciqaab
Alaahu akbr