Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Wargeyska WSJ: Ciidanka DFS weli ma helin awood iyo kalsooni ay ku hantaan Ammaanka dalka Soomaaliya [Warbixin].
  • Allposts
  • Warar

Wargeyska WSJ: Ciidanka DFS weli ma helin awood iyo kalsooni ay ku hantaan Ammaanka dalka Soomaaliya [Warbixin].

March 9, 2022

Taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano AFRICOM ayaa bishii lasoo dhaafay sheegtay in uu fuliyey duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha duuliye la’aanta ah taas oo ka dhacday deegaan qiyaastii 40 mile u jira magaalada Muqdisho.

Duqeyntan ayey talisku ku sheegay in culeyska looga qafiifinayey maleeshiyaat ka tirsan DF-ka oo go’doomay kadib markii ay kamiin culus kala kulmeen xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Arrintan waxay dhacaysaa iyadoo Xarakada Al-Shabaab ay bilihii lasoo dhaafay fulisay silsilado weeraro ah oo isugu jira qaraxyo, weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan kuwaas oo badankood ka dhacayey magaalada Muqdisho laguna kala dhantaalayey hanaanka doorashada baarlamaaniga ah ee ka socota wadanka.

Si guud waxay Xarakadu ballaarisay weerarada ay ka fuliso guud ahaan gobolada Soomaaliya si ay sharciyada uga qaado xukuumada uu hoggaamiyo Farmaajo iyo una majaxaabiso taageerada waxa loogu yeero beesha caalamka ee tabantaabiya xukuumadda taagta daran ee Muqdisho.

Xarakada Al-Shabaab oo muddo dheer saameyn xooggan ku laheyd koonfurta Soomaliya ayaa sidoo kale u dustay deegaanada loo yaqaano NFD ee ay maamusho Kenya, halkaas oo ay ka sameysteen saldhigyo military oo ay kasoo abaabulaan weerarada ka dhanka ah ciidamada Police-ka iyo kuwa military-ga ee Xukuumada Nairobi.

Wargeyska Wall Street Journal wuxuu leeyahay: dhulka ay imika maamusho Xarakada Al-Shabaab ayaa aad u ballaartay waxaana ururka hadda lagu tiriyaa mid ka mid ah jamaacaatka ugu naajixsan ee Islaamiyiinta dagaalamaya, waxayna ku rajo weyn tahay in ay sida Taliban oo kale qabsato guud ahaan Soomaaliya marka ay soo idlaato taageerada ay beesha caalamka u fidiso xukuumad Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa dhawaan sameeyey qorshe lagu xoojinayo amniga Soomaaliya, laguna xakameynayo isfidinta kooxda, iyagoo howlgalkooda Soomaaliya. Bishii lasoo dhaafay midowga Africa iyo xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray is afgarad lagu ballaarinayo howlgalka ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya kuwaas oo mudada howlgalkoodu ku ekaa 31ka bisha March ee sanadka 2022-ka.

Muddo kordhintan ayaa keentay in la sameeyo isbedel mudnaanta siinaya kala wareegga mas’uuliyada amni ee wadanka, iyadoo la xoojinayo in diiradda la saaro tababarka iyo hormarinta ciidamada iyadoo la adeegsanayo magac cusub oo loo bixiyey: “howlgalka kala wareegga ee Soomaaliya” oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano ATMIS.

Hadda AMISOM waxay sheegtaa in ay wadanka ka joogaan 22,000 oo askari kuwaas oo sida wargeysku sheegayo shaqadoodu tahay un in ay ka hortagaan furasho iyo futuuxaad horleh oo ay sameeyso Xarakada Al-Shabaab islamarkaana aanan wax niyad ah u heynin in ay iyaga duullaan qaadaan.

Maleeshiyaatka xukuumada Soomaaliya ayuu wargeysku sheegay in ay bilihii lasoo dhaafay qaadayeen weeraro fara badan oo ay ku doonayaan inay ku muujinayaan ina y leeyihiin isku filnaansho ayna weerari karaan cadowgooda iyagoo aanan heysan taageerada diyaaradaha Mareykanka, balse maleeshiyaatkan ayaa ku jabay dagaaladii ugu dambeeyey ee ay ku qaadeen saldhigyada jihaadiyiinta ee Hiiraan, Sh/dhexe iyo Sh/hoose, ayna qaarkood ku qasbanaadeen inay qeylo dhaan u dirsadaan diyaaradaha Mareykanka kadib markii ay go’doomeen sida dhacday weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay xadka ay iska galaan Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xitaa haddii ay weeraro ku qaadaan deegaanada ay maamulaan jihaadiyiinta waxaa wargeyska Wall Street Journal uu sheegayaa in maleeshiyaatka Soomaalida aysan lahayn awood ay ku sii difaacdaan magaalooyinka ay qabsadaan sidaas darteedna looga taag waayey in ay maalmo kooban ku nagaadaan goobaha ay qabsadaan.

Wuxuu sheegay in aysan awood u lahayn in ay iska difaacaan weerarada rogaalcelinta ah ee Mujaahidiinta xilliyada ay weerarada soo qaadaan.

Mareykanka ayaa bishii Dec. ee sanadkii 2020ka sheegay inuu soo daabulay ku dhawaad 700 oo askari oo ku sugnaa Soomaaliya si ay tababaro iyo talooyin xagga dagaalka ah u siiyaan maleeshiyaatka Soomaalida ee dagaalka kula jira Xarakada Al-Shabaab, balse sidaas oo ay tahay hadana weli waxaa Soomaaliya ku sugan boqolaal askari oo kale kuwaas oo meelo kala duwan oo wadanka ka mid ah ku bixiya tababaro military.

Bishii lasoo dhaafay Safiirka cusub ee Mareykanka, Laari Andaree, taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, Steven Townsend iyo saraakiil katirsan DF-ka ayaa booqasho ku tagey saldhigga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle halkaas oo saraakiil ciidamo American ah ay ku bixinayeen tababar la siinayey maleeshiyaatka dowladda.

Laari Andaree ayaa sheegay inuu Mareykanku dadaal xoogan ku bixin doono dhismaha maleeshiyaat awood leh oo la dagaalamo waxa uu ugu yeeray argigixisada.

Ugu dambeyntii wargeysku wuxuu leeyahay, Xasilooni darada siyaasadeed ee ka jirta wadanka oo lagu daray kala wareegga uu galay howlgalka AMISOM, lagu sii daray Al-Shabaab oo dhiiranaan xad dhaaf ah ka qaaday guushii Islaamiyiinta ee Afghanistan, waxay caqabad gaar ah ku keentay xukuumada taagta daran ee ka jirta Soomaaliya, sidaas darteed waa in taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM uu xukuumadan ka caawiyaa sidii culeyskaas looga qafiifin lahaa.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Faahfaahin Laga Helayo Dilka Guudle Cumar Caliyoow.
Next: Dhageyso Shabaabul Mujaahidiin Oo La Wareegay Degmada Matabaan.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 07-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 07-11-1447-Hijri.

April 24, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -07-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -07-11-1447-Hijri

April 23, 2026
Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada