Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa ka taagan xiisado colaadeed oo u dhaxeeya maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya iyo maleeshiyo hubeysan oo daacad u ah Cabdullaahi Sanbaloolshe.
Xiisadda ayaa timid ka dib markii ay shalay magaalada Beledweyne soo kala gaareen Sanbaloolshe oo hoggaaminaya mucaaradka iyo C/fataax Afrax oo ku magac dheer Gaal-hoose, oo isagana ku magacaaban ku xigeenka Cali Guudlaawe, madaxa maamulka Ashahaada la dirirka Hirshabeelle.
Maleeshiyada diidan maamulka Ashahaada la dirirka ah ee fadhigiisu yahay Jowhar, ayaa horay u sheegay inuusan Beledweyne kasoo degi karin C/fataax Afrax, balse ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxda Riddada ah ee Gurguurte ay keenista ninkan ee Beledweyne u adeegsatay dowladda Jabuuti, diyaarada lagu keenay ayaana la sheegay in lagu dhigay astaanta Ciidamada Midowga gaalada Afrika.
Wararku waxay sheegayaan in markii uu Gurguurte ku fashilmay maareynta arrimaha maamulkii uu ka dhistay Baydhaba uu hadda kaliya xoogga saarayo sidii uu Hiiraan u gaarsiin lahaa maamulkii uu dhowaan ka dhistay Jowhar ee uu kusoo celiyay Cali Guudlaawe, kaasi oo diidmo xooggan kala kulmay siyaasiyiin iyo maleeshiyo hubeysan.
Madaxa Kooxda Riddada, murtad Xasan Gurguurte ayaa lasoo wariyay in uu taliska ciidankiisaa ku amaray in maleeshiyo kun askari kor u dhaafaya oo ku xareysan xero kutaal Xananbuurre oo gobolka Galguduud ah loo qaado dhanka gobolka Hiiraan, oo uu kacdoon hubeysan ka wajahayo.
Dowladda Jabuuti oo ciidamo ka joogaan Hiiraan, ayaa lagu eedeeyay inay qeyb ka tahay xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolkaasi, iyada oo lasoo wariyay inay safatay dhanka Gurguurte, maadaama nin aad looga diidanaa Beledweyne ay garoonka diyaaradaha kasoo dejisay.
Beledweyne ayaa wajahaysa xaalada dagaal, iyadoo xalay muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyay ay muujinayeen jidadka oo ay maleeshiyo hubeysan isku fidiyeen.
Dhanka kale, kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa sheegtay in ammaanka magaalada Muqdisho uu halis ku jiro, xilli ay socdaan bixitaanka ciidamada kuffaarta Afrikaanta.
Taliye ku xigeenka maleeshiyaadka Booliiska kooxda Riddada Soomaaliya, Cabdalla Cabdalla ayaa qoraal uu soo bandhigay bartiisa, wuxuu ku sheegay in bixitaanka ciidamada kuffaaarta Yugaandha uu khatar amni ku keenayo magaalada caasimadda ah.
Nuxurka qoraalkiisa ayaana u dhinaa sidan “Khatar amni oo aan la dhayalsan karin ayaa dowladdu wajahaysaa ,bixitaanka ciidanka Ugaandha wuxuu keeni doonaa firaaq amni iyo khatar galin amniga caasimadda, ciidankeena masuuliyad ahaan looma diyaarin in ay waajibkaas gutaan.”
Walaaca amni ee xilligan haysta kooxda Riddada ayaa durba siweyn looga dareemayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, wararka qaar waxay sheegayaan in kooxda Riddada oo ciidan yari wajahaysa ay furimaha geyn doonto maleeshiyo Booliis ah, gaar ahaan xendaabka Muqdisho, kuwaas oo dareeska millatariga loo xiarayo, maadaama maleeshiyada kooxda Riddadu ku go’een furimaha dagaalka, kuwii u dambeeyay na lagu laayay weerarkii barakaysnaa ee Jameeco.