Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Daawo Sheekh Cali Dheere Oo Ka Hadlay Qorshaha Xarakada Ee Ku Aadan Duullaanka Xabashida.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Sheekh Cali Dheere Oo Ka Hadlay Qorshaha Xarakada Ee Ku Aadan Duullaanka Xabashida.

March 28, 2023

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) ayaa qeybta 2-aad wareysi uu siiyay warbaahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan uga hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin waxa mujaahidiinta uga qorsheysan duullaanka Itoobiya isagoo dhanka kale farriimo muhiim ah u diray ummadda Soomaaliyeed.

Marka hore waxa uu sheekhu ka hadlay qorshaha uga daggan istaraatiijiyadda uu Mareykanku qaatay ee ah in uu Itoobiya waddanka kusoo celiyo si dhulka iyo badaha dalka loo makaniyo, loona burburiyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

“Al-Shabaab waa xarako islaami ah, jihaadi ah. Marsdarka ay wax ka qaadato ama towjiiha waa shareecada Ilaahey subxaanahu watacaalaa oo ah Kitaabka iyo Suunnada, Ilaaheyna gaalo saan isaga difaaci lahayn isagaa inoo sheegay oo kitaabka ayay ku sharaxantahay, khaasatan gaaladan hadda inagu duullaanka ah ee Itoobiya nusuustey ku cadahay sidaan iska yeeleyno, Allaah wuxuu leeyahay – la dagaalama gaalada kuwa waliba idiin xiga ee dhibka idinku haya ama idiinkugu daran cadawtooyada- annagu marka waxa tabarteena ah cadawgaas insha’allaah tacaalaa, qorshaha koowaad ee aan leenahay waa inaan la dagaalanno” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sheekh Cali ayaa sheegay in xabashidu yihiin dad aad u liita dhaqan ahaan kuna sifeysan iney si daran u gumeeyaan ciday ka il helaan amase u hogata, wuxuuna arrintan ku tusaaleeyay 2 qiso oo aad u xanuun badan oo uu kusoo bandhigay wareysiga.

Sidoo kale wuxuu Xabashida ku tilmaamay Aboor gaajeysan oo wax uu dhaafayaahi aysan jirin, tusaalayaasha uu usoo qaatay waxaa kamid ah in 2006 iyo 2007 joodariyaashii iyo miisaskii ay ka bililiqeysteen Muqdisho ay geeyeen Adisababa. Mar haddey sidaa tahay wuxuu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney Alle darti isaga dhiciyaan cadawgaasi hororka ah, haddii aysan Alle darti ula dagaalameynna ay naftooda iyo maalkooda ka difaacdaan.

Ugu dambeyntii wuxuu si gaar ah ula hadlay dadka jecel in Alle diintiisa lagu dhaqmo. “dadka jecel in Ilaahey shareecadiisa lagu dhaqmo, in kitaabka Ilaahey la xukmiyo, in dadka muslimiinta ah ay cizi helaan, dadka jeceloo dhan waxaan leenahay insha’allaahu tacaalaa, ninki jihaadka soo shaarigi karana (kasoo qeyb gali karana) hasoo shaariko (hakasoo qeyb galo) ninki aan soo shaarigi karin ee ay tabari heyso ama waayeela ama dumara waxaan leenahay, ducada nagu soo kaalmeeya, meeshiina kasoo dagaalama, ducada nagu soo kaalmeeya, in cadawga hororka ah ee diinteena, dadkeena iyo dalkeena u socda in Ilaahey subxaanahu watacaalaa uu naga guul siiyo oo Ilaahey jabsho, waxaan leenahay noo soo duceeya” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Itoobiya ayaa ah cadaw guun ah oo ay Soomaalida oo dhan garanayaan. Sannadkii 2006-dii markii ay kusoo duushay wadanka waxaa fadhiga ka kacay dhallinyaro badan oo sufuufta jihaadka biiriyay xilli ay waliba kala daadsanaan badan jirtay, waxaana uu Alle halgankooda ku suura galiyay in Xabashidu ka cararto wadanka, waxaana la odrosayaa hadda oo uu jiro nidaam isku dubaridan in ay halganka kusoo biiri doonaan dad badan si ay diintooda, dadkooda iyo dalkooda uga difaacdaan Xabashida xuunshada ah.

Xigasho Radio Al-furqaan.

Halkan Ka Daawi Qeybta 2-aad Ee Wareysiga.

Ama Halkan Toos Uga Daawo.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-09-1444 Hijri.
Next: Mujaahidiinta Oo Weeraro Cagmarin Ah Ka Fuliyay Duleedyada Beledweyne Iyo Kismaayo.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada