Ciidamadii ugu horreeyey oo ka kooban 109 askari oo ka tirsan Ciidamad Uganda ayaa la sheegay inay galabnimadii Jimcaha ee shalay ka ambabaxeen Muqdisho, kadib markii taliyaha guud ee dalkaasi uu habeenkii jimcaha ku dhawaaqay in ay bilaabeen in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya.
Warbaahinta Uganda ee Chimp Reports, oo ka mid ah warfidiyeennada warkan baahiyey, ayaa tallaabadan ku tilmaamay astaan bilow u ah bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, oo muddo 20 sano ah duullaan saliibi ah kaga jiray Soomaaliya.
Cutubkan ayay warbixintu sheegtay in ay noqonayaan ciidamadii ugu horreeyey ee tiradooda si rasmi ah loo shaaciyo intii uu socday geeddi-socodka ka bixitaanku, inkastoo ciidamada Uganda aysan weli si madax-bannaan u xaqiijin tirada askarta baxday.
Wararka ayaa tilmaamaya in Uganda ay isku diyaarinayso inay maleeshiyaadka kooxda riddada ku wareejiso fariisimo ay ka deggenaayeen gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo ku kala yaalla magaalooyinka Baraawe, Buulo Mareer, Qoryooley iyo Jannaale.
Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo maalma ka hor uu murtad Gurguurte kusoo hungoobay safar uu ku tagay Uganda isla markaana uu madaxweynaha dalkaasi kaga codsaday in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya.