Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • DF Iyo Kenya Oo Ku Heshiiyay In La Xirxiro Siyaasiyiin Iyo Ganacsato Ku Nool Nairobi. (WARBIXIN)
  • Allposts
  • Warar

DF Iyo Kenya Oo Ku Heshiiyay In La Xirxiro Siyaasiyiin Iyo Ganacsato Ku Nool Nairobi. (WARBIXIN)

July 10, 2023

Inkastoo socdaalka taliyaha dowladda Kenya uu daarran yahay arrimo fara badan haddana waxaa jirta in (DF) dhankeedana ay uga faa’iideysatay hal qodob oo kaliya, kaas oo saameynaya Soomaalida ku nool waddanka Kenya.

Baaritaan iyo dabaggal dheer oo aan ku sameynay kulamo ay Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad la qaateen, taliyaha sirdoonka Kenya Nuuradiin Maxamad Xaaji, ayaa waxaan ku ogaanay in Kenya laga dalbaday in ay xirxirto siyaasiyiin dhowr ah.

Ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa si isku mid ah inoogu sheegay in DF ay ka cabatay siyaasiyiin dhowr ah oo ku sugan magaalada Nairobi iyo kulamada iyada ka dhanka ah ee halkaas lagu qabto.

Taliyaha sirdoonka Kenya ayaa u ballan qaaday Xasan Sheekh in uu xabsiga u taxaabi doono siyaasiyiin dhowr ah oo aanan wali magacyadooda helin iyo rag ganacsato ah, wuxuu sidoo kale ka ballan qaaday in aan Nairobi lagu qaban doonin shirar isaga lagu mucaaradayo, laga billaabo maalinta uu heshiiskoodu dhaqan galayo.

“Walaalow waxaan kuu sheegayaa in loo fulinayo dhammaan danaha Kenya ee Soomaaliya, xataa dhanka sirdoonka iyaga waxaa laga balan qaaday in loo xiro dadka kasoo hor jeeda ama diyaarad loo saaro oo loo gacan geliyo sidii qalbi-dhagax, laakin warkan aan kuu sheegay ee ah in siyaasiyiin iyo ganacsato lagu beegsan doono Kenya waxaad ogaan doontaan todobaadyada soo socda” sidaasi waxaa yiri sarkaal ku sugan Muqdisho oo naga codsaday inaanan magaciisa sheegin sababo la xariira ammaankiisa.

Ilaha aan warkan ka helnay waxay xusayaan in Villa Soomaaliya ay dhaqaale badan ku bixineyso sidii uu u fuli lahaa qorshahan, waxaana la dajiyay xeelad ah in xariga iyo beegsiga siyaasiyiinta lagu billaabo dad Muqdisho ka cararay oo Islii iyo Westland deggan oo ay dowladdu ku eedeeneyso iney lacago musuqmaasuqeen, kadib-na la la beegsado dadka asalka hadafka u ahaa ee mucaaradka ah.

Xogtu waxay intaas ku dareysaa in Xasan Sheekh uu ka cawday kulamo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Nairobi oo uu kamid yahay kulankii ay yeesheen siyaasiyiinta beesha Xawaadle iyo hadalladii garnaqsiga ahaa ee uu halkaas ka jeediyay Yuusuf Dabageed. Sidoo kale Mahad Salaad ayaa ka cawday dad badan oo Nairobi kasoo hadlay iyagoo dibadda soo dhigaya ceebaha ay leedahay hey’addiisa kuwaasoo uu ka xusay wariye Cabdalla Muumin.

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ayaa caasimadda Kenya u arkay meel hoy u ah siyaasiyiin badan oo mucaarad ah iyo meel marin u ah inta badan dadka Soomaalida ee dibadaha u safra, waana taas midda keeneysa iney xoogga saarto si ay ugu fududaato iney cadaadiso siyaasiyiinta iyo dadka dhaliishan noocyadooda kala duwan.

Haddii ay arrintu sidan u dhaqan gasho waxaa suura gal ah in Kenya ay isaga guuraan siyaasiyiin miisaan leh iyo ganacsato waaweyn oo ay canshuur badan ka qaadan jirtay dowladda wadankaas, waxaa kale uu suura gal ah in ay saameyn ku yeelato safarrada faraha badan ee labada waddan.

Xigasho Radio Alfurqaan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Ciidamada Kenya Iyo Uganda Oo Lagu Weeraray Jubbooyinka Iyo Sh/hoose.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -22-12-1444 Hijri.

Related Stories

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 34 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 34 aad)

October 6, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-04-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-04-1447-Hijri.

October 6, 2025
Dhagayso Dardaaranka Mid Ka Mid Ah Inghimaasiyiintii Weerartay Dhismaha Godka Jilicoow.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Dardaaranka Mid Ka Mid Ah Inghimaasiyiintii Weerartay Dhismaha Godka Jilicoow.

October 5, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 34 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 34 aad)

October 6, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)

September 22, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)

September 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)

September 6, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada