Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Oo Ka Socda Sierra Leone Iyo Bandow Lasoo Rogay.
  • Allposts
  • Warar

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Oo Ka Socda Sierra Leone Iyo Bandow Lasoo Rogay.

November 26, 2023

Wararka ka imaanaya waddanka Sierra Leone ee dhaca galbeedka qaaradda Africa ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay caasimadda dalkaasi ee Freetown, halkaas oo ay weerar ku ekeeyeen kooxo hubeysan.

Dowladda Sierra Leone waxay ku dhawaaqday bandow ay shaacisay inuu ka hirgeli doono waddanka oo dhan ah, kaddib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla caasimadda Freetown, xilli dalkan bilihii lasoo dhaafay uu marti gelinayay rabshado dhanka siyaasadda ah.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inay maqlayeen rassaas xooggan iyo qaraxyo is xig-xiga oo ka dhacaya magaalada caasimadda, tan iyo wixii ka dambeeyay duhurnimadii maanta, muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha internet-ka ayaa muujinayay qiiq badan oo ka baxayay waddooyinka.

Dowladda Sierra Leone waxay sheegtay inay ciidankeeda iska caabiyeen weerar dhowr jiho ah oo kaga yimid rag aad u hubeysan, kuwaas oo beegsaday saldhigga Wilberforce oo ay leeyihiin ciidanka militariga, waziirka warfaafinta ee xukuumadda ayaa dhankiisa dadka ugu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan inta xaalada laga dajinayo.

Waziirka arrimaha gudaha ee Sierra Leone David Taluva ayaa dhankiisa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday ay sidoo beegsadeen xero boolis, rassaastiina ay ka dhamaatay, waxayna ciidanka kooxdaasi qabsadaan hub badan oo ay wateen ciidamada booliska.

Xaaladda siyaasadeed ee waddanka Sierra Leone ayaa aad u kacsan tan iyo markii madaxweynaha dalkaas, Julius Maada Bio dib loo doortay bishii June, natiijadaas oo uu si wayn u diiday musharaxa ugu weyn ee mucaaradka.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Daawo Muuqaalka Askar Taa’ibiin Ah Oo Lagu Soo Bandhigay Jubbooyinka.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -13-05-1445-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 19-05-1448H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 19-05-1448H.

October 30, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-Jumaadal-awal-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-Jumaadal-awal-1448-Hijri.

October 30, 2026
Maleeshiyo Mucaaradsan Gurguurte Oo Gudaha U Galay Xerada Lamagalaay Ee Beledweyne.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyo Mucaaradsan Gurguurte Oo Gudaha U Galay Xerada Lamagalaay Ee Beledweyne.

October 30, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada