Maleeshiyo ku hubeysan gaadiid oo nooca kuwa dagaalka ah ayaa maanta gudaha u galay xerada Lamagalaay ee magaalada Beledweyne, halkaas oo ay kutaallo xarunta maamulka Riddada gobolka Hiiraan, fariisinna u ah maleeshiyada kooxda Riddadaa Soomaaliya.
Muuqaallo iyo sawirro baraha bulshada qabsaday ayaa muujinayay maleeshiyadan mucaaradsan kooxda Gurguurte oo si nabad ah u galaya xerada Lamagalaay, waxaana lasoo wariyay inay degeen qaybta ay kutaallo xarunta maamulka gobolka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyadii ilaalada ka hayay xerada ay ka carareen goobta markii ay kusoo socdeen maleeshiyada mucaaradsan nidaamka Gurguurte ee la wareegay xeradaasi.
Maleeshiyada la wareegay xarumaha maamulka gobolka Hiiraan ee kuyaal xerada Lamagalaay, ayaa maalmo kor ku dhawaaqay inay kasoo horjeedaan maamulka uu Xasan Gurguurte dib kaga dhisay magaalada Jowhar ee uu kusoo celiyay Cali Guudlaawe.
Xiisad colaadeed ayaa ka taagan magaalada Beledweyne, maleeshiyaadka mucaaradsan maamulka Ashahaada la dirirka ee Hirshabeelle ee Gurguurte taabacsan, ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay la wareegeen afaafka hore ee buundada Liqliqato ee magaalada Beledweyne.