Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dhagayso+Akhriso Abwaan Cabdullaahi Soomaali Oo Gabay Ka Tiriyay Saylac.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso+Akhriso Abwaan Cabdullaahi Soomaali Oo Gabay Ka Tiriyay Saylac.

January 28, 2024

Abwaan iyo wariye Cabdullaahi Yaasiin Jaamac, (Cabdullahi Soomaali), oo ka mid ah abwaannada Soomaaliyeed, ayaa nasoo gaarsiiyay, gabay cusub oo uu ka tirayay magaalada Saylac oo ka mida dhul xeebeedkii uu bilowgii bishan Muuse Axmaar siiyay nasaarada xabashida Itoobiya, si ay saldhig millatari iyo dekadba uga dhisato.

Halkan Ka Dhagayso Gabayga Abwaan Cabdullaahi Yaasin Jaamac.

Ama Hoos Ka Akhriso Gabayga Abwaanka.

Bismillaahi gabay baan xardhoo una xinneynaaye,
xushma aadane iyo weliba xoogsi kuma doone,
Rabbiyow xasanaad ka baan ugu xilayaaaye,
Xakiimoow ajir aan xadleyn geli xisaabteyda.

inta waa gogol xaarid iyo xayska galabeede,
waana Maansa xeerada dhex taal soo xashirinteede,
cidda ay xakaaraane waa xabashi duufleeye,
Xikaayadaan xagaafeyn Hayo kan u xamaasoonow,
ximbil kaguma sooraayiyo dhiisha xugufkeede,
xagaadaan dhigaa haan xalan oo xufna u taale,
ka xarqoo anaa kuu xor talay oon xig kaa rabin’e.

Xumbush iyo qofkii aan ahayn geed xagaay lulayo,
Hadba dhan uma xayraamayee waa xasilayaaye,
Inta laab xagagara ahoo khayrka laga xaaqay,
ee xorruhu qalbigooda uu xoganayee buuxo,
Ayuum buu xamaaaliga lunsani xiisa geliyaaaye,
Oo kufriga xadiis uga dhigaa xarafyadiisiiye,

Nin haddii shisheeyuhu xukumo waa xishood gabiye,
Waa ximaar ciyaayoo codkii xararaqeeyaaye,
Wax kastoo laga xeeshadoo lagu xajiimoodo,
Intuu soo ximbaarto ayuu la xud xudeeyaaye,
Marka buu xalaal in ay yihiin la xaw xaweeyaaye
oo intuu ku xuurtooda buu kuna xabeebaaye,
Xaqana ma fiirshee naxlow ku xaragoodaaye,
Midki xeebta saylac harkii xabashidii siiyay,
ee xaraash ku iibsaday ileen waa xandha u jooge,
Iyo xalane gaalada fadha xamar midkuu dhiibay,
Iyagiyo intii xeer la ah waysku xugun uune,
Waa niman xujooboo kufray xubin wadaagaane,
Xashin buuxso mooyaan iyo in ay xil hayaaane,
Xigmaddiyo xisaabtatamidda way ka xarriman yiimba.

Intaa waa xaqiiqiyo run aan kuu xawaliyaaye,
Xalqa kalena waa xaadinaa oo ka sii xulan’e.
ku xariiqo meel kuu xafidan oo xisaar adaga.

Ninki xaaska kaada rabaa inuu xileystaahu
Gabadheyda baan kagu xiraa waa xal oran maayo,
xaraarada damacii geshow weli xasuustaaaye,
illaa waran xameetida iyo xiidmo kala gooyo,
indhahoo xanyiigan ayuu sii xarjadaayaaye,
Ujeedkana hadaan xooxiyo aan xumba u yeelo,
Xudun iyo xaafuun iyo teerya xamar weyne,
Iyo xarunta awdal ninka xoog ku jerinaaaya,
Dekadaha mid xaar xaaro uun wuu ku xadatoone
Kolkaa buu xaraarugi durboo cara la xiiqaaye,

Haduu cadawgu soo xaydayay oo xad gudub keenay,
Dalkana Xigtii noo hadhay ow u soo xilayay,
Xigaalada Islaamkoow mawaaan laga xanaaqeynin?
xaquuqdii Ilaaheey kuwii xooraa baa ba’e,
qofka naar xamiimahi ay xagata waa hooge,
war maan xamara geenyaa jihaad xeeriga u saarno?
inta laysu soo xoomo maan howdka xagafleyno?
xantoobsiyo wuxuu xaabsadoo kan u xalleefoobay,
ee dhufeysku xayndaabanyee xabad dhulku yaalo,
ama kibir la xuurina hayee xaafadaha meera,
ama xarar inoo gala iyo geeda xamashoobay,
inagoo Ilaahay ku xiran oo xamdiga hayne,
haddii loo xarakaada ee lagu ximaayeeyo,
xableey iyo ma dooriya waxbana xuubka caarada’e.
xagashiisa maan qabano waa xurub sidiisiiye?

Intaa waa xaqiiqiyo run aan kuu xawaliyaaye,
Xalqa kalena waa xaadinaa oo ka sii xulan’e.
ku xariiqo meel kuu xafidan oo xisaaar adaga.

Abasiinayuu xiisi maa qoom xogteed ogiye.
Waa qolow xafaarow hayoon gelin xashaasheyne,
Waa xamilla ruug baahanoo xaaluf dhaliyaaye,
Waa xasaradku nool aan lahayn howl xadaarada’e,
Waa gumeysi xeel dheeriloo soo xutubay waaye,
Ragya xaawaley xula ba waa naga xasuuqeene,
Xerta gowraceediyo xir xir iyo xufaad laynte,
Xiqdi iyo xin baa lagu yaqaan xaasidnimo weyne,
Hadal xanafle xeer baadiliyo xumuhu wow hooy ‘e,
Xayaatiyo xayanimo iyo xoolo iyo Diinba,
In ay naga xayuubshaan ayaa xaashi ugu taale,
Xaska waa in loo wada galoo aan xaskulinaaaye,

Intaa waa xaqiiqiyo run aan kuu xawaliyaaye,
Xalqa kalena waa xaadinaa oo ka sii xulan’e.
ku xariiqo meel kuu xafidan oo xisaaar adaga.

Abraha xiligaan haduu soo xejjiya taagay,
Xarameyn ku duul iyo asoo xajka dumi maaggan,
Xambaboorid aawgeed hadduu horay u soo xoodmay,
Haduu xuud sidiisii afkii xaarin la ekeeyay,
Xuuka iyo xanto iyo halkuu xayr ka filanaayay,
Hamigiisa xaaraanta waa inaan xaf siinaaye,
Oo xash aanu saarnaa iyo xaabo ololeysa.

Intaa waa xaqiiqiyo run aan kuu xawaliyaaye,
Xalqa kalena waa xaadinaa oo ka sii xulan’e.
ku xariiqo meel kuu xafidan oo xisaaar adaga.

Amxaarada hadaan lala xarbeyn oon xabada ruuban,
Oon xaniin yahoodiyo wadnaa xooru ku casheeyin,
Oon xaduudahaa beenta aan laga xaluushiinin,
Oo harar xoreynteeda aan loo xusula duubin,
Adis ababana xoogya muruq looga xidid siibin,
Xamar iyo Hargeysaa noqaa xarumaheediiye,
Xakemeynta teedaana waa nagu xaraaraane,
Warkaan xabad dilaaceyno ee la isla xoodaayo,
Hadaan ficil lala xaadireyn xaaalku waa ebere,
Jihaadkuu Xawaaareeya oo xowli ugu yaaca,
Xagar iyo xayay iyo muqliyo xanan ha jiiraaano,
Xinjiraha xumbeeyee xarkagay xabag ha loo moodo,
Xirribaha Maar xiiminee howgaga xarooto,
Xabaalaha jeer ay galaan baan xis u imaane.

Waxaa Tiriyay Cabdullaahi Yaasiin Jaamac (Cabdllaahi-soomaali)

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -16-07-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-07-1445 Hijri.

Related Stories

Dagaallo Lagu Jabiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Warar

Dagaallo Lagu Jabiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Duleedka Moqokori.

May 20, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -22-11-1446 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -22-11-1446 Hijri.

May 20, 2025
Kufriga Caalamiga Ah Oo Qorsheynaya Sidii Loo Dhimi Lahaa Ciidamada AUSSOM.
  • Allposts
  • Warar

Kufriga Caalamiga Ah Oo Qorsheynaya Sidii Loo Dhimi Lahaa Ciidamada AUSSOM.

May 20, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 10 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 10 aad)

May 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 9aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 9aad)

May 15, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 8aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 8aad)

May 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 7aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 7aad)

May 11, 2025

Sawirro

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.

April 16, 2025
Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.

April 16, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.

April 16, 2025
Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.

April 10, 2025
Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.

April 1, 2025
Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.

March 31, 2025
Daawo+Dhagayso: Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Degmada Jilib Jubbada Dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Degmada Jilib Jubbada Dhexe.

March 30, 2025
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Hiiraan, Baay Iyo Bakool.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Hiiraan, Baay Iyo Bakool.

March 30, 2025
Daawo Sida Looga Debaal-degay Munaasabadda Ciidda Jubbada Hoose Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Debaal-degay Munaasabadda Ciidda Jubbada Hoose Iyo Gedo.

March 30, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada