Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Washington Post: Diyaaradaha Drones-ka Turkiga Oo Inka Badan 20 Qof Ku Dilay Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Washington Post: Diyaaradaha Drones-ka Turkiga Oo Inka Badan 20 Qof Ku Dilay Somalia.

March 20, 2024

Wargayska Washington post ee fadhigiisu yahay carriga Maraykanka, ayaa maqaal ka qoray duqayntii wuxuushbimo ee ay diyaaradaha dowladda Riddada ah ee Turkigu ka gaysteen deegaanka Baghdaad ee hoostaga degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose. halkaas oo ay ku dileen inka badan 20 qof oo shacab ah,

Wargayska oo soo xiganaya dad goobjoogeyaal ah oo qaraabo dhow la ah dadka shacabka ah ee la laayay iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Riddada ee fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in duqayntan ay ku dhinteen inka badan 22 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 21 kale, kuwaas oo uu wargaysku sheegay inay u badnaayeen caruur aan waxba galabsan.

Washington post, ayaa laba sarkaal oo ka tirsan hayadaha ammaanka ee Riddada kasoo xigtay in duqaynta ay fulisay diyaarad nooca Drones-ka ah oo laga leeyahay dalka Turkiga, wuxuu wargaysku intaas ku daray isagoo soo xiganaya Daa’uud Xasan Maxamed oo goobjoog u ahaa dhacdada, kana mid ah ehellada dadka la laayay in duqaynta koowaad ay ka dhacday Baghdaad oo toddobo Km u jirta Alifow oo waqooyi bari ka xigta Muqdisho, wuxuu intaas kusii daray in dadkii ka badbaaday duqaynta koowaad ay markale Turkigu ku beegsadeen duqaymo kale, kuwaas oo sababay in dad badan dhintaan.

Daa’uud Xasan Maxamed ayaa wargayska Washington post ku yiri :“Waxa jiray hal weerar oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday dadka dhibanayaasha ah, balse markii ay dadku billaabeen inay ka yaacaan goobta si ay u badbaadiyaan naftooda, waxay isla dadkaasi la kulmeen duqeymo kale oo xagga cirka ah,Waxa dhacayna waxay ahaayeen xasuuq.”.

Wargayska ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in dadka rayidka ee la laayay ay ka mid ahaayeen 15 carruur ah iyo dhowr xubnood oo haween ah, dadka ku dhaawacmay xasuuqan wuxuushnimo ayuu sheegay in caafinaad ahaan loogu qaaday Cisbitaalka Madiina ee kuyaal Magaalada Muqdisho.

Cabdulqaadir Mayow, ayaa ka mid ah dadka ehellada ee uu soo xiganayo Washington Post, Cabdulqaadir ayaa isagoo ku sugan cisbitaal madiina u sheegay wargayska in dadka ku dhaawacmay xasuuqan ay ka mid tahay gabar 4 sano jir ah oo kaligeed ka badbaaday qoyskeeda, dadka dhaawacyadoodu aadka u daranyihiin ayuu Cabdulqaadir ku sheegay inay yihiin shan carruur ah iyo laba dumar ah.

Mid ka mid ah ragga uu soo xiganayo wargayska ayaa yiri:“Aniga waxaan ku dhashay, kuna soo barbaaray deegaanka ay duqayntu ka dhacday, balse markii uu xasuuqani dhacayay waxaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, Ma jirto wax sabab u ah xasuuqa aan loo meel dayin ee dhacay xalay. dadkan waxay ahaayeen kuwa adkeysta abaaraha, daadadka iyo colaadaha”, ayuu yiri.

Washington post, ayaa sheegay in deegaannada ay duqayntu ka dhacday aysan ka jirin wax dagaal ah, balse si bareer ah loo beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, wuxuu sidoo kale wargaysku soo hadal qaaday faragelinta uu Turkigu ku hayo Soomaaliya, sida in uu la wareegay ilihii dhaqaale ee dalka sida dekadda iyo Airpor-ka Muqdisho, sidoo kalena uu dalka ka dhistay saldhiggiisa ugu wayn marka loo eego dalalka dibadda.

Wargayska ayaa dhanka kale sheegay, in afhayeenad u hadashay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ay sheegtay in Maraykanka uusan wax duqayn ah ka gaysan deegaannadaas, kaddib markii ay kooxda Riddadu sheegtay in duqaynta ay ka dambeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladaha taageera.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -09-09-1445-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus (09).

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-06-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-06-1447-Hijri.

November 30, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-06-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-06-1447 Hijri.

November 30, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -09-06-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -09-06-1447 Hijri.

November 30, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)

November 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)

November 17, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)

November 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)

November 1, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada