Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Washington Post: Diyaaradaha Drones-ka Turkiga Oo Inka Badan 20 Qof Ku Dilay Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Washington Post: Diyaaradaha Drones-ka Turkiga Oo Inka Badan 20 Qof Ku Dilay Somalia.

March 20, 2024

Wargayska Washington post ee fadhigiisu yahay carriga Maraykanka, ayaa maqaal ka qoray duqayntii wuxuushbimo ee ay diyaaradaha dowladda Riddada ah ee Turkigu ka gaysteen deegaanka Baghdaad ee hoostaga degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose. halkaas oo ay ku dileen inka badan 20 qof oo shacab ah,

Wargayska oo soo xiganaya dad goobjoogeyaal ah oo qaraabo dhow la ah dadka shacabka ah ee la laayay iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Riddada ee fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in duqayntan ay ku dhinteen inka badan 22 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 21 kale, kuwaas oo uu wargaysku sheegay inay u badnaayeen caruur aan waxba galabsan.

Washington post, ayaa laba sarkaal oo ka tirsan hayadaha ammaanka ee Riddada kasoo xigtay in duqaynta ay fulisay diyaarad nooca Drones-ka ah oo laga leeyahay dalka Turkiga, wuxuu wargaysku intaas ku daray isagoo soo xiganaya Daa’uud Xasan Maxamed oo goobjoog u ahaa dhacdada, kana mid ah ehellada dadka la laayay in duqaynta koowaad ay ka dhacday Baghdaad oo toddobo Km u jirta Alifow oo waqooyi bari ka xigta Muqdisho, wuxuu intaas kusii daray in dadkii ka badbaaday duqaynta koowaad ay markale Turkigu ku beegsadeen duqaymo kale, kuwaas oo sababay in dad badan dhintaan.

Daa’uud Xasan Maxamed ayaa wargayska Washington post ku yiri :“Waxa jiray hal weerar oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday dadka dhibanayaasha ah, balse markii ay dadku billaabeen inay ka yaacaan goobta si ay u badbaadiyaan naftooda, waxay isla dadkaasi la kulmeen duqeymo kale oo xagga cirka ah,Waxa dhacayna waxay ahaayeen xasuuq.”.

Wargayska ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in dadka rayidka ee la laayay ay ka mid ahaayeen 15 carruur ah iyo dhowr xubnood oo haween ah, dadka ku dhaawacmay xasuuqan wuxuushnimo ayuu sheegay in caafinaad ahaan loogu qaaday Cisbitaalka Madiina ee kuyaal Magaalada Muqdisho.

Cabdulqaadir Mayow, ayaa ka mid ah dadka ehellada ee uu soo xiganayo Washington Post, Cabdulqaadir ayaa isagoo ku sugan cisbitaal madiina u sheegay wargayska in dadka ku dhaawacmay xasuuqan ay ka mid tahay gabar 4 sano jir ah oo kaligeed ka badbaaday qoyskeeda, dadka dhaawacyadoodu aadka u daranyihiin ayuu Cabdulqaadir ku sheegay inay yihiin shan carruur ah iyo laba dumar ah.

Mid ka mid ah ragga uu soo xiganayo wargayska ayaa yiri:“Aniga waxaan ku dhashay, kuna soo barbaaray deegaanka ay duqayntu ka dhacday, balse markii uu xasuuqani dhacayay waxaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, Ma jirto wax sabab u ah xasuuqa aan loo meel dayin ee dhacay xalay. dadkan waxay ahaayeen kuwa adkeysta abaaraha, daadadka iyo colaadaha”, ayuu yiri.

Washington post, ayaa sheegay in deegaannada ay duqayntu ka dhacday aysan ka jirin wax dagaal ah, balse si bareer ah loo beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, wuxuu sidoo kale wargaysku soo hadal qaaday faragelinta uu Turkigu ku hayo Soomaaliya, sida in uu la wareegay ilihii dhaqaale ee dalka sida dekadda iyo Airpor-ka Muqdisho, sidoo kalena uu dalka ka dhistay saldhiggiisa ugu wayn marka loo eego dalalka dibadda.

Wargayska ayaa dhanka kale sheegay, in afhayeenad u hadashay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ay sheegtay in Maraykanka uusan wax duqayn ah ka gaysan deegaannadaas, kaddib markii ay kooxda Riddadu sheegtay in duqaynta ay ka dambeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladaha taageera.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -09-09-1445-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus (09).

Related Stories

Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.

June 12, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-Dulxijah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-Dulxijah-1447-Hijri

June 12, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-12-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-12-1447-Hijri.

June 12, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada