Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Diyaarad F-16 Oo Ka Burburtay Ukraine Iyo Duuliyeheedii Oo Dhintay.
  • Allposts
  • Warar

Diyaarad F-16 Oo Ka Burburtay Ukraine Iyo Duuliyeheedii Oo Dhintay.

August 29, 2024

Dowladda Ukraine ayaa si rasmi ah u shaacisay maanta oo Khamiis ah in diyaarad nooca casriga ah ee F-16 ah oo Mareykanku ugu deeqay ay ka burburtay, duuliyihii wadayna uu dhintay, xilli uu ka hortegayay weerar ballaaran oo Ruushku ku qaaday gudaha waddanka Ukraine.

Taliska ciidamada ee Ukraine ayaa sheegay in marka hore ay waayeen xiriirkii ay la lahaayeen mid ka mid ah diyaaradahaasi casriga ah, waxaana markii dambe ay dib ka heleen warbixin xaqiijinaysa in diyaaradu dhacday oo ay burburtay, uuna halkaas ku dhintay duuliyaheedii.

Wargayska lagu magacaabo Wall Street Journal oo soo xiganaysa sarkaal Mareykan ah ayaa dhankiisa sheegay in wararkii ugu horreeyay ay muujinayaan in diyaaradda aysan soo ridin Ruushka, inkastoo buu yiri uu shilku uu dhacay xilli gantaallo aad u waaweyn uu Ruushku ku garaacayay guud ahaan waddankaasi, isagoo tilmaamay in shilkan uu badan yahay mid ku yimid natiijada qaladka duuliyaha.

Waxaa xusid mudan in diyaaradda burburtay ay toddobaadyo uun ka hor Ukraine ka heshay dhanka dowladda Maraykanka, duuliyaha ku dhintay shilka diyaaradda ayaa isagana duulista loo tabobararay muddo laba sano ah.

Madaxweynaha dowladda Ukraine Faladamiir Zelensky ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uu markii ugu horeysay dagaalka uu ku jiro u adeegsaday diyaaradaha F-16, si loo soo rido gantaalada Ruushka toddobaadkan.

4-tii bisan Agoosto ayay ahayd markii xukuumadda fadhigeedu yahay Kiyeef ay shaacisay in ay heshay diyaaraddii ugu horeysay ee nooca casriga ah ee F-16 oo ka mid ah siddeetan diyaaradood oo ay ballanqaaday xukuumadda Washington, balse sarkaal Maraykankan ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ukraine ay heshay kaliya 6 diyaaradood oo F-16, ayna leedahay 6 duuliye oo keliya oo loo tababaray duulista, kaasi oo mid ka mid ah uu maanta dhintay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -25-02-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-02-1446-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 21-05-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 21-05-1448-Hijri.

November 1, 2026
Gurguurte Oo Sheegay In Kooxdiisu Burburi Doonto Ciidanka Uganda Baxaan.
  • Allposts
  • Warar

Gurguurte Oo Sheegay In Kooxdiisu Burburi Doonto Ciidanka Uganda Baxaan.

November 1, 2026
Deni Oo Iscasilaad Ugu Baaqay Gurguurte Qaadacayna Gogoshii Uu Fidiyay.
  • Allposts
  • Warar

Deni Oo Iscasilaad Ugu Baaqay Gurguurte Qaadacayna Gogoshii Uu Fidiyay.

November 1, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada