Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa Xasan Gurguurte ku eedeeyay in uu dhax muquuranayo fashil siyaasadeed iyo mid amni,Deni wuxuu ku gacan seyray gogoshii ay kooxda Riddada Soomaaliya ufidisay kooxaha mucaaradka ah.
Hoggaamiyaha maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland ayaa Xasan Gurguurte ku sifeeye beenaale aan la aamini karin isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in uu gogol siyaasadeed iclaamiyo xilli uu iskasii wato ajandayaasha uu dib isugu dooranayo.
isbuucii lasoo dhaafay ayuu Xasan Sheekh soo saaray warqad uu ku sheegayo in uu diyaar uyahay wadahadal uu lafuro kooxaha mucaaradka ah waxaana saraakiisha mucaaradka ugu tun Axmed Madoobe iyo Siciid Deni kuwaas oo iska diiday in ay xaadiraan gogosha ay dhigtay Kooxda Riddada Soomaaliya.
Arrintan ayaa cirka kusii shareeraysa khilaafka udhaxeeya hoggaanka kooxda Ridada iyo madaxda maamul goboleedyada ashahaadda ladirirada ah.