Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Nidaamkii Al-assad Oo Burburay Iyo Mucaaradka Oo Dimishqa Qabsaday.
  • Allposts
  • Warar

Nidaamkii Al-assad Oo Burburay Iyo Mucaaradka Oo Dimishqa Qabsaday.

December 8, 2024

Wararka ka imaanaya mandiqadda barakaysan ee Shaam ayaa sheegaya in saaka oo Axad ah kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan ay gacanta ku dhigeen magaalada Dimishqa ee caasimadda u ah Suuriya, halkaas oo ay ka eryadeen maamulkii uu majaraha u hayay dhiig-yacabka Bashaar Al-asad.

Kooxaha mucaaradku waxay ku dhawaaqeen inay gacantooda ku dhacday magaalo madaxda dalkaasi, si rasmi ahna ay u rideen nidaamkii Bashaar Al-asad uu hoggaanka u yahay.

Saraakiil ka tirsan ciidankii burburay ee nidaamka Nureysiga ayaa Reuters u sheegay in Bashaar Al-asad diyaarad gaar ah uu ka qaatay caasimadda, una baxsaday meel aan si rasmi ah loo ogayn.

Mucaaradku waxay xalay shaaciyeen inay lasoo wareegeen mudo 24 saac gudahood ilaa afar magaalo oo kala ah, Darcaa, Quneydara, Suweyda iyo Ximis oo ah magaalada saddexaad ee ugu wayn Suuriya, waxay na saaka ku qaabariisteen oo ay gacanta ku dhigeen magaaladii ugu dambeysay ee caasimadda u ah Suuriya ee Dimishqa.

Xoogagga mucaaradku waxay sheegeen inay la wareegeen xarumaha raadiyaha iyo telefishanka rasmiga ah ee dowladda iyo sidoo kale xarunta madaxtooyada caasimadda Dimashqa.

Qoraal kasoo baxay saaka oo Axad ah kooxaha mucaaradka Suuriya ayaa lagu yiri “Shacabka xorta ah ee Suuriya waxay rideen Bashaar al-Assad.”, duulimaadyadii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dhimishqa ayaa la joojiyay, shaqaalihii madaarkaasi ayaa sidoo kale la kala diray.

Ciidankii burburay ee Nidaamkii Nuseyriga Bashaar Al-asad ayaa billaabay isku dhiibaan kooxaha hubeysan mucaaradka ah sida laga soo xigtay ilo ka tirsan kooxaha mucaaradka ah ee la wareegay gacan ku haynta dalka Suuriya.

Debaal degyo iyo isku soo baxyo waawayn ayaa ka billowday caasimadda Suuriya, sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay shacabka oo dibadda isugu soo baxay, si ay u muujiyaan farxaddooda, magaalooyinka kale ayay dabaal-degyo ka billowdeen.

Suuriya ayaa martigelisay 10 maalmood oo halgan gumeysi diid ah, kaasi oo ugu dambayn keenay in uu dumo nidaamkii mujrimka ahaa ee Bishaar Al-asad uu majaraha u hayay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Inka Badan 50 Qof Oo Ku Shahiiday Duqaymo Ka Dhacay Gaza.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -07-06-1446-Hijri.

Related Stories

Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagu Beegsaday Saldhigga Maleeshiyada Gurguurte Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagu Beegsaday Saldhigga Maleeshiyada Gurguurte Ee Sabiid.

August 19, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-02-1447 Hijri.

August 19, 2025
Weerar 15 Xubnood Looga Dilay Maamulka Abiy Oo Ka Dhacay Duleedka Addis-ababa.
  • Allposts
  • Warar

Weerar 15 Xubnood Looga Dilay Maamulka Abiy Oo Ka Dhacay Duleedka Addis-ababa.

August 19, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)

August 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025

Sawirro

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada