Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Nidaamkii Al-assad Oo Burburay Iyo Mucaaradka Oo Dimishqa Qabsaday.
  • Allposts
  • Warar

Nidaamkii Al-assad Oo Burburay Iyo Mucaaradka Oo Dimishqa Qabsaday.

December 8, 2024

Wararka ka imaanaya mandiqadda barakaysan ee Shaam ayaa sheegaya in saaka oo Axad ah kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan ay gacanta ku dhigeen magaalada Dimishqa ee caasimadda u ah Suuriya, halkaas oo ay ka eryadeen maamulkii uu majaraha u hayay dhiig-yacabka Bashaar Al-asad.

Kooxaha mucaaradku waxay ku dhawaaqeen inay gacantooda ku dhacday magaalo madaxda dalkaasi, si rasmi ahna ay u rideen nidaamkii Bashaar Al-asad uu hoggaanka u yahay.

Saraakiil ka tirsan ciidankii burburay ee nidaamka Nureysiga ayaa Reuters u sheegay in Bashaar Al-asad diyaarad gaar ah uu ka qaatay caasimadda, una baxsaday meel aan si rasmi ah loo ogayn.

Mucaaradku waxay xalay shaaciyeen inay lasoo wareegeen mudo 24 saac gudahood ilaa afar magaalo oo kala ah, Darcaa, Quneydara, Suweyda iyo Ximis oo ah magaalada saddexaad ee ugu wayn Suuriya, waxay na saaka ku qaabariisteen oo ay gacanta ku dhigeen magaaladii ugu dambeysay ee caasimadda u ah Suuriya ee Dimishqa.

Xoogagga mucaaradku waxay sheegeen inay la wareegeen xarumaha raadiyaha iyo telefishanka rasmiga ah ee dowladda iyo sidoo kale xarunta madaxtooyada caasimadda Dimashqa.

Qoraal kasoo baxay saaka oo Axad ah kooxaha mucaaradka Suuriya ayaa lagu yiri “Shacabka xorta ah ee Suuriya waxay rideen Bashaar al-Assad.”, duulimaadyadii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dhimishqa ayaa la joojiyay, shaqaalihii madaarkaasi ayaa sidoo kale la kala diray.

Ciidankii burburay ee Nidaamkii Nuseyriga Bashaar Al-asad ayaa billaabay isku dhiibaan kooxaha hubeysan mucaaradka ah sida laga soo xigtay ilo ka tirsan kooxaha mucaaradka ah ee la wareegay gacan ku haynta dalka Suuriya.

Debaal degyo iyo isku soo baxyo waawayn ayaa ka billowday caasimadda Suuriya, sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay shacabka oo dibadda isugu soo baxay, si ay u muujiyaan farxaddooda, magaalooyinka kale ayay dabaal-degyo ka billowdeen.

Suuriya ayaa martigelisay 10 maalmood oo halgan gumeysi diid ah, kaasi oo ugu dambayn keenay in uu dumo nidaamkii mujrimka ahaa ee Bishaar Al-asad uu majaraha u hayay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Inka Badan 50 Qof Oo Ku Shahiiday Duqaymo Ka Dhacay Gaza.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -07-06-1446-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 27-Dul-xijah-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 27-Dul-xijah-1447-Hijri.

June 12, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 26-12-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 26-12-1447H.

June 12, 2026
Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.

June 12, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada