Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Sawirro: 179 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Kuuriyada Koonfureed.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: 179 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Kuuriyada Koonfureed.

December 29, 2024

Khasaare laxaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil diyaaradeed oo laga soo tabiyay garoon caalami ah oo kuyaal dalka Kuuriyada koonfureed, halkaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 180 xubnood, shilkan ayaa lagu sheegay midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Kuuriyada koonfureed.

Dowladda Kuuriyada Koonfureed waxay shaacisay in ugu yaraan 179 qof ku dhinteen dab ka kacay diyaarad rakaab ah, xilli ay ku degeysay garoonka caalamiga Muan ee kuyaal magaalada Muan, oo qiyaastii 288 km dhanka koonfur-galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Seoul.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa soo sheegay in diyaarada oo ay saarnaayeen 181 xubnood oo 6 ka mid ah ay yihiin shaqaalaha diyaarada uu ka kacay dab xoog leh, kaddib markii ay ka leexatay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, taasi oo keentay inay ku dhacdo darbi kuyaal garoonka caalamiga ah.

Waaxda gurmadka degdega ah ee Kuuriyada koonfureed waxay sheegtay in ciladdu u badan tahay inay ka timid dhanka qalabka diyaaradda lagu dejiyo, inkastoo aysan soo bandhigin sababta rasmiga ah ee keentay burburkeeda, wallow la arkayay in diyaaraddu u bixi waayeen taayirada, sidaas na ugu dhacday darbiga.

Wakaalada wararka ee Yonhap, waxay dhankeeda sheegtay diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ay kasoo kicitantay magaalada Bangkok ee caasimadda Thailand, shilkaasina uu dhacay markii ay caga dhigatay.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qaabka uu shilku u dhacay, waxaana la arkayay diyaaradda oo ka weecanaysa dhabbihii ay ku degeysay, kuna dhacayso darbi kuyaal garoonka, kaddibna uu ka kacayo dab xoog leh.

Khasaaraha ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhayay, tirakoobkii ugu horreeyay ee la diiwaan geliyay ayaa ahaa dhimashada 23 qof, saacado kooban gudahood na uu sameeyay koror xad-dhaaf ah, iyadoo numberkii ugu dambeeyay la xaqiijiyay, waxayna tirada guud ee dhimashadu sidaas ku noqotay 179 xubnood.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganayso ilo wareed dhanka kooxaha samatabixinta waxay sheegtay in kaliya lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo laba ka mid ah shaqaalaha diyaaraddaasi oo nool, dhammaan intii kale ee diyaaradda saarnayd oo 179 xubnood ahaa ayaa dhintay.

Sawirro ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinayay burburka baaxadda leh ee ka dhashay shilkan diyaaradeed oo wakaaladdu ku tilmaantay kii ugu khasaaraha badnaa abid ee ka dhaca Kuuriyada koonfureed.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Shilkan Diyaaradeed.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-06-1446 Hijri.
Next: Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Ka Tacsiyadeeyay Istish-haadka Sh Maxamed Mire.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada