Ciidamada Mujaahidiintu waxay galabta ilaa 2 qarax la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo isugu jirta kuffaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Yugaandha iyo maleeshiyaadka Riddada oo mareysay inta u dhaxeysa Danow iyo Golweyn ee wilaayada Sh/hoose.
Qaraxyda oo Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayaa waxay si gaar ah u beegsadeen gaari Taaw ah iyo ciidamo lug ah, waxaana jira khasaare soo gaaray kuffaarta iyo murtadiinta.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax ay Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar ee Sh/dhexe oo lala eegtay gaari uu la socday sarkaal ka tirsan Booliska Hirshabeelle oo lagu magacaabo Daahir Camay, uu si dirqi ah uga badbaaday weerarkaasi, halkaas oo sidoo kalena ku dhaawacmeen mid kamida askartii ilaalinaysay, waxaana sidoo kale ku burburay gaariga qaraxa lala eegtay.