Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maydadka Ku Dhawaad 3,000 Oo Qof Oo Laga Helay Magaalada Goma.
  • Allposts
  • Warar

Maydadka Ku Dhawaad 3,000 Oo Qof Oo Laga Helay Magaalada Goma.

February 6, 2025

Wararka ka imanaya dalka Congo ayaa sheegaya in ku dhawaad 3,000 oo qof ay ku dhinteen dagaallada ka socda dalka Congo ee dhex-maraya ciidanka jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo iyo fallaagada kasoo hor-jeedda ee loo yaqaan M23, sida uu war-fidiyeenka u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan hey’ad-gaalleedda la baxday Qaramada Midoobay.

Dagaalladan uu dhiigga badani ku daatay ayaa usbuucyadii u dambeeyey ka socday gobolka macdanta hodanka ku ah ee bariga dalkaasi ee Kivu, gaar ahaan gudaha iyo hareeraha magaallada Goma oo ay gacanta ku dhigeen fallaagada hubaysan ee ay taageerto Rwanda ee M23.

Vivian van de Perre, oo ah ku xigeenka madaxa howlgalka hey’ad-gaalleedda Qaramada Midoobay ee Goma, ayaa iyada oo wariyaasha kula hadleysa muuqaalka tooska ah ee fogaan-aragga sheegtay in ilaa iyo hadda la helay maydadka ilaa 2,000, halka 900 oo kalena maydadkoodu ay ku jiraan filinjeerrada cisbitaallada.

Mas’uulkan ka tirsan UN-ka ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in la filan karo sare-u-kac ku yimaadda tirada dhimashada, maadaama ayay tiri ay jiraan Meydad tiro beel ah oo ku qurmay meel badan, isla markaana laga walaacsan yahay in ay ka dhashaan cudurrada faafaa.

Rabshadahan sii kordhaya ayay sidoo kale sheegtay in ay horseedeen dhibaatooyin aad u weyn, waxaanay carabawday in ku dhawaad 2,000 oo qof oo rayid ah ay barakaceen, isla markaana deggaannadii ay gabbaadka ka dhigteen laga cabso qabo in cudurro ay ka dillaacaan.

Sidoo kale ilo-wareedyo soo tebinaya dhibaatooyinka ka dhashay dagaalladaasi ayaa sheegaya in boqollaal maxaabiis haween ah la kufsaday, noloshana lagu gubay usbuucii hore kadib markii fallaagada M23 ay la wareegtay gudahana u gashay magaallada Goma.

Qaybo ka mida warbaahinta caalamka ayaa qoraysa in khubarada iyo falanqeeyayaashu ay walaac xooggan ka muujiyeen in Rwanda oo qayb ka ah colaaddan ay doonayso inay gacanta ku dhigto qaybo ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) si ay wax uga hesho macdanta uu dalkaasi hodanka ku yahay.

Bishii Janaayo bilawgeedii, ayay ahayd markii fallaagada M23 oo taageero ka helaysa ciidamada Rwanda ay weerar ballaaran ku qaadeen gobolka macdanta qaniga ku ah, iyagoo 27-kii Jannaayo ku dhawaaqay in ay qabsadeen magaallada Goma ee caasimadda gobolka Waqooyiga Kivu oo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay Hal Milyan oo qof.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso Andalus Podcast Oo Lagu Waraystay Injineer Xusseen Cabdi Aw-gaab.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -07-08-1446 Hijri.

Related Stories

Boqollaal Askar Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Oromia Iyo Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Boqollaal Askar Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Oromia Iyo Amhara.

July 13, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -18-01-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -18-01-1447 Hijri.

July 13, 2025
Dhagayso Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanka Muhiimka Ah Ee Tardo.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanka Muhiimka Ah Ee Tardo.

July 13, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada