Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maydadka Ku Dhawaad 3,000 Oo Qof Oo Laga Helay Magaalada Goma.
  • Allposts
  • Warar

Maydadka Ku Dhawaad 3,000 Oo Qof Oo Laga Helay Magaalada Goma.

February 6, 2025

Wararka ka imanaya dalka Congo ayaa sheegaya in ku dhawaad 3,000 oo qof ay ku dhinteen dagaallada ka socda dalka Congo ee dhex-maraya ciidanka jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo iyo fallaagada kasoo hor-jeedda ee loo yaqaan M23, sida uu war-fidiyeenka u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan hey’ad-gaalleedda la baxday Qaramada Midoobay.

Dagaalladan uu dhiigga badani ku daatay ayaa usbuucyadii u dambeeyey ka socday gobolka macdanta hodanka ku ah ee bariga dalkaasi ee Kivu, gaar ahaan gudaha iyo hareeraha magaallada Goma oo ay gacanta ku dhigeen fallaagada hubaysan ee ay taageerto Rwanda ee M23.

Vivian van de Perre, oo ah ku xigeenka madaxa howlgalka hey’ad-gaalleedda Qaramada Midoobay ee Goma, ayaa iyada oo wariyaasha kula hadleysa muuqaalka tooska ah ee fogaan-aragga sheegtay in ilaa iyo hadda la helay maydadka ilaa 2,000, halka 900 oo kalena maydadkoodu ay ku jiraan filinjeerrada cisbitaallada.

Mas’uulkan ka tirsan UN-ka ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in la filan karo sare-u-kac ku yimaadda tirada dhimashada, maadaama ayay tiri ay jiraan Meydad tiro beel ah oo ku qurmay meel badan, isla markaana laga walaacsan yahay in ay ka dhashaan cudurrada faafaa.

Rabshadahan sii kordhaya ayay sidoo kale sheegtay in ay horseedeen dhibaatooyin aad u weyn, waxaanay carabawday in ku dhawaad 2,000 oo qof oo rayid ah ay barakaceen, isla markaana deggaannadii ay gabbaadka ka dhigteen laga cabso qabo in cudurro ay ka dillaacaan.

Sidoo kale ilo-wareedyo soo tebinaya dhibaatooyinka ka dhashay dagaalladaasi ayaa sheegaya in boqollaal maxaabiis haween ah la kufsaday, noloshana lagu gubay usbuucii hore kadib markii fallaagada M23 ay la wareegtay gudahana u gashay magaallada Goma.

Qaybo ka mida warbaahinta caalamka ayaa qoraysa in khubarada iyo falanqeeyayaashu ay walaac xooggan ka muujiyeen in Rwanda oo qayb ka ah colaaddan ay doonayso inay gacanta ku dhigto qaybo ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) si ay wax uga hesho macdanta uu dalkaasi hodanka ku yahay.

Bishii Janaayo bilawgeedii, ayay ahayd markii fallaagada M23 oo taageero ka helaysa ciidamada Rwanda ay weerar ballaaran ku qaadeen gobolka macdanta qaniga ku ah, iyagoo 27-kii Jannaayo ku dhawaaqay in ay qabsadeen magaallada Goma ee caasimadda gobolka Waqooyiga Kivu oo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay Hal Milyan oo qof.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso Andalus Podcast Oo Lagu Waraystay Injineer Xusseen Cabdi Aw-gaab.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -07-08-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada