Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dagaallo Culus Oo Fano Iyo Millatariga Xabashida Ku Dhexmaray Ismaamulka Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Dagaallo Culus Oo Fano Iyo Millatariga Xabashida Ku Dhexmaray Ismaamulka Amhara.

February 15, 2025

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya dagaallo xooggan oo maleeshiyaadka Fano iyo ciidamada xabashida Itoobiya ku dhex-maray degmada Ambassel iyo qaybo kale oo ka tirsan gobolka Wollo oo ka mida deggaannada Amxaarada.

Dagaalladan oo socday muddo labo maalmood ah oo ku beeggan Arbacadii iyo Khamiistii lasoo dhaafay ayay wararku tibaaxayaan in maleeshiyaadka Fano ay horumar ballaaran ka sameeyeen kana gaareen guullo la taaban karo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan tiro aan la cayimin oo ka tirsan hubka culus gaar ahaan madaafiicda waaweyn oo laga burburiyey ciidanka dawladda Xabashida Itoobiya.

Ilaa hadda lama helin khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray labada dhinac, mana jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalladan oo kasoo baxay dawladda dhexe ee Itoobiya.

Dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Fano ee deggaannadan ayaa dib usoo cusboonaaday, sida ay muujinayaan dhacdooyinkan u dambeeyey, maadaama dagaalku uu muddo badan ku urursanaa Waqooyiga gobolka Wollo.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in hakad uu ku yimid isu socodkii gaadiidka ee magaalooyinka Dessie iyo Wogel Tena, isla markaana ay shaqooyinka joojiyeen wadayaasha gaadiidku sababo amni dartood.

Sidoo kale, dagaallo qaraar ayaa laga soo sheegayaa dhanka koofureed ee ku dhow magaallada Komboolcha iyo degmada Worebabo, halkaasoo la sheegay in ciidamada dowladda lagu gaarsiiyey khasaare xooggan.

Aagga Koonfur Galbeed ee Wollo, gaar ahaan Axmaarada Saynet, ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada dawladdu ay awoodi waayeen inay gacanta ku dhigaan, halka maleeshiyaadka Fano ay shaaciyeen in ay la wareegeen gacan-ku-heynta magaallada Bokeksa oo ka tirsan isla deegaankan.

Sidoo kale maleeshiyaadka Fano ayaa la sheegayaa inay ku gacan-sareeyaan iska hor imaadyo xooggan oo ka dhacay gobolka Gojjam ee dhaca waqooyiga galbeed ee Itoobiya, gaar ahaan agagaarka Dima Giorgis, sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo maxalliya.

Ciidanka Xabashida Itoobiya oo lagu soo warramayo in si weyn loogu xanuujiyey dagaalladaasi ayaa sidii caadada u ahayd bilaabay inay ka aar-goostaan dadka rayidka ah, waxaanay ku beegsadeen madaafiicda culus, iyagoo dhac iyo boob-na u geystay guryihii ay deggenaayeen.

Geesta kale diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa duqayn culus ku beegsaday guri ay deggenaayeen dad rayid ah oo ku yaalla degmada Efrata Gidem, oo ka tirsan Aagga Woqooyi Shewa ee gobolka Amxaraada.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in duqayntaasi ay ku dhinteen saddex qof oo isugu jiray hooyo uur leh, ilmo yar oo ay dhashay oo lix jir ah iyo wiil dhalinyaro ah. Waxaa sidoo kale duqayntaasi uu dhaawac culusi kasoo gaaray wiil yar oo da’diisa lagu sheegay 10 sano jir.

Goobjooge ka mid ah dadka deggaanka oo warbaahinta la hadlay balse codsaday in magaciisa aan la sheegin ayaa duqayntan ku eedeeyey dawladda saliibiyada Xabashida Itoobiya oo uu xusay inay dagaal kula jirto maleeshiyaadka amxaarada ee Fano.

Waqooyiga Gonder, sidoo kale waxaa ka socda dagaallo culus, waxaanay wararku sheegayaan in ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku adkaatay, caqabad xooganna ka haysato sugidda ammaanka marinka u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan.

Maleeshiyada Fano ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku hayaan gobolka Axmaarada 80%. Todobaadkan lasoo dhaafay ayay ahayd markii maamulka Gobolka Axmaaradu uu shaaca ka qaaday in 50 Bilyan oo Birr oo canshuur ah uu ku waayey colaadaha ka taagan gobolkaasi.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -16-08-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-08-1446 Hijri.

Related Stories

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 18-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 18-01-1447-Hijri.

July 13, 2025
Akhriso Xogta Qaraxyo NISA Lagu Beegsaday Oo Ka Dhacay Baydhaba.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Qaraxyo NISA Lagu Beegsaday Oo Ka Dhacay Baydhaba.

July 13, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada