Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saaka oo Sabti ah weeraro xooggan oo cagmarin ah ku qaaday saldhigyo ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga sugnaayeen degmada Awdheegle ee wilaayada Sh/hoose.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigyada maleeshiyada murtadiinta ee degmada Awdheegle, waxayna cagta mariyeen xeryaha maleeshiyaadka Riddada, khasaare kala duwan oo Riddada soo gaaray ayaa lasoo warinayaa iyo jab laxaad leh oo gaaray murtadiinta.
Dhanka kale, weeraro culus ayaa laga soo warinayaa deegaan lagu magacaabo Sumadaale oo dhaca duleedka Cadale ee wilaayada Sh/dhexe, waxaana halkaas lagu beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah oo is uruursanayay, khasaare ayaa jira, wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Insha’Allaah.