Sida ay nashrisay majalda Ameerikaanka ah ee The Straits Times, saraakiisha sirdoonka milatariga Pakistan ayaa la wadaagay hoggaanka sare ee dawladda inay arkayaan suragalnimada weerar balaaran oo ay Hindiya doonayso inay kusoo qaado gudaha Pakistan, daqiiqado kooban kadib waxaa xigtay in isaguna uu war midkan la mid ah uu soo saaro wasiirka difaaca xukuumada Islama Bad.
Waxa uu masuulkan sheegay in xaaladan ay ku riixeyso milatariga Pakistan inay si dhammeystiran isku diyaariyaan dagaal nuuc walba ah oo la galaan ciidanka Hindiya, maadaama xogaha ay helayaan daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa ay yihiin kuwa usii dhaweynaha xiisad dagaal oo ay wax badan ku burburaan.
“Waxaan xoojinay ciidamadeena sababtuna waa wax hadda inoo muuqda ee soo socda, xaaladana waa in la qaataa go’aamo istiraatijiyadeed anaguna dabcan waan qaadanay go’aamadaas muhiimka ah” ayuu yiri wasiirka difaaca Pakistaan.
Dhanka kale warsaxaafadeed kasoo baxay wasaadara difaaca Pakistaan ayaa lagu sheegay inay adeegsan doonaan hubkooda nukliyeerka haddii ay dhacdo khatar ku wajahan jiritaankooda, “isla marka uu dhaco ku xad-gudubka ka dhan ah madax bannaanida Pakistan, waxaan qaadi doonaa weerar nukliyeer” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warsaxaafadeedka kasoo baxay dhanka Islama Bad.