Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Kufriga Caalamiga Ah Oo Qorsheynaya Sidii Loo Dhimi Lahaa Ciidamada AUSSOM.
  • Allposts
  • Warar

Kufriga Caalamiga Ah Oo Qorsheynaya Sidii Loo Dhimi Lahaa Ciidamada AUSSOM.

May 20, 2025

“Digniinta AUSSOM ee dhimista ciidankeeda oo dhalisay cabsi ku saabsan kororka Jihaadiyiinta Soomaaliya” Waa cinwaanka warbixin uu saacadihii lasoo dhaafay baahiyey wargeyska Ash-Sharqul Awsad oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer waddamada Carabta, fadhigiisuna yahay magaalada London ee carriga Ingiriiska.

Warbixinta uu wargeysku diyaariyey oo soo baxday saacadihii lasoo dhaafay ayaa tibaaxaysa in dhimista tirada ciidamada AUSSOM uu yahay qorshe laga fikiraayo oo haatan miiska saaran, xilli Midowga Afrika uu wajahayo ayuu yiri dhaqaale la’aan baahsan, isla markaana mujaahidiinta Al-Shabaab ay sare u qaadeen hawl-galladooda.

Wargeysku waxa uu sheegay in dhaqaale la’aanta ku habsatay calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta ay timid kadib markii Maraykanku uu ka caga-jiiday maal-gelinta hawl-galkan. Taas oo sabab u noqotay in haatan laga fikiro sidii loo yarayn lahaa tirada ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Falanqeeye ku takhasusay arrimaha Afrika oo la hadlay Ash-sharqul Awsad, ayaa ka dhawaajiyey in dhimista la filayo in lagu sameeyo ciidamada Afrikaanta, ay khatar weyn ku tahay amniga kooxda riddada, isla markaana ay sare u qaadi doonto weerarrada ay fuliyaan mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxa uu saadaaliyay falanqeeyahani in waddamada qaybta ka ah howl-galka AUSSOM ay khasab ku noqon doonto in ay bixiyaan kharashaadka ciidamadooda, inta la raadinayo taageero ka timaadda Midowga Yurub iyo ilo dhaqaale oo cusub.

Dr. Cabdullaahi Axmed Ibraahim, agaasimaha Xarunta Daraasaadka Bariga Afrika ee Nairobi, oo la hadlay wargeyska Ash-Sharqul Awsad ayaa sheegay in maal-gelinta calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta ay horey uga iman jirtay Mareykanka iyo Midowga Yurub, hase yeeshee Mareykanku uu hadda ka baxay taageeradaasi, isagoo ku cadaadinaya Midowga Afrika inuu iskiis u maalgeliyo ciidamadiisa, taasina ay tahay ayuu yiri arrin aan marnaba suurtagal ahayn.

Waxa kale oo Dr Cabdullaahi uu intaasi ku daray in dhimista ciidamada AUSSOM ay si toos ah u dhiirri-gelinayso koror ku yimaadda weerarrada Al-Shabaab, maadaama ayuu yiri aanay jirin ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh iska caabbinta mujaahidiinta oo muddooyinkii u dambeeyeyey la wareegey magaalooyin istaraatiijiya.

Suurtagalnimada miro-dhalka shir midowga Afrika uu doonayo in dhawaan uu ku qabto magaalada Dooxa ama London si loo helo taageero dhaqaale oo deg deg ah, ayuu Dr. Cabdullaahi Ibraahim sheegay in tallaabadaasina ay ku xiran tahay go’aanka Mareykanka, oo haatanba si cad uga hor-yimid maal-gelinta hawl-galkan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -22-11-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -22-11-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-04-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-04-1448-Hijri

September 12, 2026
Eratareya Oo Nidaam Abiy Axmed Ku Eedaysay Qalqal-gelin Amni.
  • Allposts
  • Warar

Eratareya Oo Nidaam Abiy Axmed Ku Eedaysay Qalqal-gelin Amni.

September 12, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -01-04-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -01-04-1448 Hijri.

September 12, 2026

Sawirro

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada