Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta, kuwaas oo maanta markale ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaalladan lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta waxaa Allaah fadligiis lagu dilay saddex askari, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 34 kale, waxaana 31 ka mid ah ay ku dhaawacmeen goobta dagaalka saddexda kalena gaari ayaa la rogmaday xilli ay dhaawac usii wadeen isbitaalka Buulaburde.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay maanta howlgal culus oo qarax ah la eegteen fariisin maleyshiyaadka murtadiinta ay ku lahaayeen degmad Qoryooley, dhimashadu waa 1 murtad, dhaawacuna waa 3 kale oo murtadiin ah.