Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal xooggan oo toos ah ku qaadeen xero ciidan oo kuffaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Yugaandha ay kaga suganyihiin deegaanka Laanta Buura, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale, ciidamada mujaahidiintu waxay dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyada Riddadaa ee deegaanka Jaziira oo ah deegaan kuyaal waddada xeebta ah ee xiriirisa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo degmada Marka ee Sh/hoose.
Dhanka kale, Ciidamada mujaahidiintu waxay weerar abaabulan ku mireen xerada murtadiinta ee WFP ee degmada Garbahaarey oo ka mida goobaha saliibiyiinta iyo murtadiintu duulaanka kaga suganyihiin wilaayada Gedo, waxaana dagaalkaasi la isku adegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, dhawaqa hubka ayaana si aad ah looga maqlayay gudaha iyo duleedka degmadaasi.