Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xildhibaan Kenyan Ah Oo La Afduubtay Kaddibna La Jirdilay (WARBIXIN).
  • Allposts
  • Warar

Xildhibaan Kenyan Ah Oo La Afduubtay Kaddibna La Jirdilay (WARBIXIN).

May 27, 2025

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda saliibiyadda Kenya, magaciisana lagu sheegay George Koimburi ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga helay beer kutaal ismaamulka Kiambu ee dalka Kenya, kaddib markii la afduubtay.

Xildhibaankan oo kasoo jeeda deegaanka Juja ayaa la wariyay in kooxo aan la garanayn ay maalin ka hor ka afduubteen afaafka hore ee kaniisad ku taal Mugutha oo ka tirsan ismaamulka Kiambu, George Koimburi ayaa ka mid ah xildhibaannada mucaaradka ah ee kasoo horjeeda xukuumadda William Ruto, waxaana falkan cambaareeyay siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Qoyska xildhibaanka la helay ayaa xaqiijiyay in lagu daweynayo cisbitaal lagu magacaabo Karen, kaddib markii isaga oo uu jirdil ka muuqdo laga helay beer qaxwo oo kutaal Kiambu, sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay George Koimburi oo dhulka yaal ayna ka ka muuqdeen jirdilka loo gaystay, halka laga soo helay ayaa goobta lagu afduubtay u jirta 10 Km sida ay sheegeen ilo wareedyo maxalli ah.

Ilo wareedyo kale ayaa sheegay in ninkan maalmihii lasoo dhaafay ay kusoo dhacayeen farriimo uga imaanayay dhanka ciidanka ammaanka ee waddanka Kenya, kuwaas oo u haystay eed la xiriirta boob dhuleed.

Inkastoo haya’adaha ammaanku iska fogeeyeen dhacdadan, haddana waxay tani kusoo beegmaysaa xilli xukuumadda Nairobi tan iyo bishii June sannadkii 2024-kii oo ay dhaceen rabshadihii gilgilay dalkaasi ee looga soo hor jeeday canshuur kordhinta lagu eedeeyay afduubka ku dhawaad 100 xubnood, sida uu sheegay waxay ugu yeeraan guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Kenya.

Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii mid ka mid ah waddooyinka Nairobi lagu dilay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya, waxaana dilkiisa sida la sheegay ka dambeeyay rag hubeysan oo mooto ku socday.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -29-11-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -29-11-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 19-05-1448H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 19-05-1448H.

October 30, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-Jumaadal-awal-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-Jumaadal-awal-1448-Hijri.

October 30, 2026
Maleeshiyo Mucaaradsan Gurguurte Oo Gudaha U Galay Xerada Lamagalaay Ee Beledweyne.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyo Mucaaradsan Gurguurte Oo Gudaha U Galay Xerada Lamagalaay Ee Beledweyne.

October 30, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada