Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Senate-ka Maraykanka Oo Soo Bandhigay Xeer Lagu Xannibayo Maal-gelinta AUSSOM Iyo Danab.
  • Allposts
  • Warar

Senate-ka Maraykanka Oo Soo Bandhigay Xeer Lagu Xannibayo Maal-gelinta AUSSOM Iyo Danab.

June 3, 2025

Waxaa mar kale mugdi sii galay dhaqaalo la’aantii ku habsatay ciidamada midowga Afrika ee duullaanka saliibiga ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya, kadib markii aqalka sare ee baarlamaanka Maraykanku uu soo jeediyey hindise lagu xannibaayo lacagahii uu Maraykanku ku bixin jiray hawl-galka AUSSOM iyo weliba calooshood-u-shaqaystayaasha Danab.

Xildhibaanno uu hor-kacayo Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee aqalka sare ee baarlamaanka Mareykanka, ayaa maalinnimadii shalay soo bandhigay hindise lagu xannibaayo maal-gelintii ay dawladda saliibiyada Maraykanku la barbar-taagnaan jirtay calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta AUSSOM iyo weliba maleeshiyaadka ay ku adeegtaan ee Danab.

Hindisahan ayaa lagu sheegay in looga gol-leeyahay sidii loo ilaalin lahaa lacagaha cashuur-bixiyeyaasha Maraykanka, isla markaana loola xisaabtami lahaa waxa loogu yeero Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee duullaanka ka wada dalka Soomaaliya, sida lagu baahiyey Mareegta rasmiga ah ee Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Sare ee Mareykanka.

Senator Jim Risch oo ah guddoomiyaha guddida Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka ayaa si cad oo aan leex-leexad lahayn u sheegay in mar dambe aanay ogolaanayn inay ku kaliyeystaan culayskii muddada badan saarnaa ee maal-gelinta hawl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya. Waxaanu yiri isagoo arrintan ka hadlaya:

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibbadeenna Yurub waxay isku dayayaan inay ka dhuuntaan waajibaadkooda maaliyadeed ee taageerada Midowga Afrika ee hawlgalka AUSSOM, iyaga oo doonaya in loo beddelo hannaan maalgelin cusub oo aan sinnayn, taasoo culayska saaraysa Mareykanka. mana ogolaan karno taas.”

Guddoomiyahu waxa uu intaas raaciyey in hindisahani yahay mid mamnuucaya in Mareykanku bixiyo wax maal-gelin ah oo loo maro hannaankan cusub, si looga fogaado ayuu yiri in Mareykanka si joogto ah loogu qasbo inuu maal-geliyo nidaam aan shaqaynayn.

Senator Ted Cruz oo sidoo kale ka mida xildhibaannada hindisan soo jeediyey ayaa xaqiijiyey in xeerkani uu yahay mid ilaalinaya lacagaha canshuur-bixiyeyaasha Maraykanka, kana hor-tagaya in lacagahaasi loo adeegsado si aan u adeegayn danaha ammaanka Maraykanka. Isagoo ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo meel-mariyo hindisahaasi.

Guddiga Aqalka Senate-ka Mareykanka u qaabilsan Arrimaha dibadda waxay bartooda X, ku sheegeen in taageeradii uu Maraykanku siin jiray maleeshiyaadka Danab, uu joojiyey kadib markii kooxda riddadu ay musuqmaasuqday raashin iyo sahay loo waday calooshood-u-shaqaystayaasha Danab. Waxaanay hoosta ka xariiqeen in mar dambe aanay ogolaan doonin in lacagta Canshuur bixiyeyaasha Mareykanka lagu sii maal-geliyo musuqmaasuq.

Senator Rick Scott oo isna ka mida xubnaha ugu cad-cad ee hormoodka ka ah xeerkan lagu xannibayo maal-gelinta calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM ayaa yiri: “Mareykanku ma ogolaanayo in lacagaha canshuur-bixiyeyaashiisu ay ku baaba’aan gacanta Qaramada Midoobay iyadoo saaxiibbadeennu ay diidayaan in aanay bixin waajibaadkooda maaliyadeed”.

Sidoo kale xildhibaankani waxa uu ka dhawaajiyey in la musuqmaasuqay lacagahii lagu bixin jiray hawl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya. Isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay in qayb uu ka yahay xildhibaannada soo gudbiyey xeerkan lagu soo afjarayo maal-gelintaasi.

Qorshahan cusub ee uu soo bandhigay golaha senate-ka Maraykanka ayaa xididdada usii siibaya dhaqaale la’aantii ay horeyba ula tiicayeen isbahaysiga kuffaarta afrikaanta AUSSOM, Waxaanu kusoo aadayaa xilli calooshood-u-shaqaystaasha iyo daba-dhilifyadoodu ay bilaabeen inay ka insixaabaan furimaha dagaalka, mujaahidiintuna dardar xooggan geliyeen hawl-galladooda, raayada tawxiidkana ay ka taageen dhul aad u ballaaran.

Si aad u hesho wararkeenna booqo oo ku xirnow barteenna Telegram-ka.

https://t.me/+tAMlwk4-uOg1NDc0

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -07-12-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -07-12-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-07-1447 Hijri.

January 19, 2026
Xabaal-wadareedyo Lagu Duugay Tahriibeyaal Afrikaan Ah Oo Laga Helay Liibiya.
  • Allposts
  • Warar

Xabaal-wadareedyo Lagu Duugay Tahriibeyaal Afrikaan Ah Oo Laga Helay Liibiya.

January 19, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.

January 19, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada