Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maxaa Ka Jira In Maraykanku Ku Biiri Doono Dagaalka U Dhaxeeya Iiraan Iyo Yahuudda?.
  • Allposts
  • Warar

Maxaa Ka Jira In Maraykanku Ku Biiri Doono Dagaalka U Dhaxeeya Iiraan Iyo Yahuudda?.

June 18, 2025

Warar soo baxaya ayaa muujinaya in dowladda saliibiyada Mareykanka laga yaabo in ay si toos ah ugu biirto dagaalka u dhexeeya Yahuudda iyo dowladda Shiicada ah ee Iiraan, iyadoo xaaladda bariga dhexe_na ay sii cakirmeyso.

Sida saaka ay soo tebiyeen qaar ka mid ah waraahinta Maraykanka, Donald Trump ayaa shir deg-deg ah oo socday muddo 2 saacadood ah ku qabtay Aqalka Cad, kaas oo lagu gorfayanayay in Mareykanku ku biiriyo weerarrada milatari ee Yahuuddu ku bartilmaameedsanayso xarumaha nukliyeerka Iiraan.

Ilo xogogaal ah oo kala duwan ayaa warbaahinta Maraykanka ee CBS u sheegay in madaxda ugu sarseysa dalkaasi ay ku kala aragti duwan yihiin ku biiridda dagaalka ka dhanka ah Iiraan isla markaana qaar badan oo ka mida xubnaha xagjirka ah ee aadka ugu dhaw Donald Trump ay rabaan in dagaalka lagu biiro.

Lindsey Graham oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga kana mida madaxda ugu saameeynta badan dalkaas, aadna ugu caanbaxay neceybka uu u qabo diinta Islaamka ayaa sidoo kale si cad u muujiyay taageerrada uu u hayo in Mareykanku si buuxda ula safto Yahuudda.

Xildhibaanka ayaa war uu ku qoray bartiisa baraha bulshada ku yiri: “Waxaan u dhow nahay go’aan taariikhi ah… Madaxweyne, fadlan si buuxda u garab istaag Israa’iil si loo dhameystiro howsha.”

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda gobolku ay si weyn u cakiran tahay, kaddib weerarro iyo duqaymo is-daba joog ah oo labada dhinac ay is-waydaarsanayaan.

Saraakiil Maraykan ah oo aan magacyadooda la shaacin ayaa sidoo kale warbaahinada kala duwan ee waddankaasi u sheegay in qorshayaal difaac iyo weerar labadaba la diyaariyay, haddii la gaaro go’aanka ku biirista dagaalka.

Taliska ciidamada saliibiyiinta Mareykanka ee bariga dhexe ee (CENTCOM) ayaa lagu soo warramayaa in uu kordhiyay diyaar-garowgiisa, iyadoo maraakiib dagaal iyo diyaarado dheeraad ah loo diray gobolka.

Dowladda Mareykanka ayaan wali si rasmi ah u shaacin in ay si toos ah uga qaybqaadaneyso dagaalka, balse hadallada saraakiisha iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa muujinaya in cadaadis ballaaran uu saaran yahay maamulka, si ay u muujiyaan taageero aan shuruud lahayn oo ay siiyaan Yahuudda, xilli cabsi laga qabo in dagaalku uu kusii fido dalal kale oo gobolka ah.

Dowladda Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay in dal walba oo ka qeyb-qaata dagaalka ay kula jirto Yahuudda uu noqon doono hadaf sharci ah.

Safiirka Iiraan u fadhiya urur gaaleedka qaramada midoobay ee Geneva, ninka lagu magacaabo Cali Baxreyni ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay jawaab adag ka bixin doonaan haddii la xaqiijiyo in Maraykanku uu ku lug leeyahay weerarrada lagu soo qaaday Iiraan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 22-12-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -22-12-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.

September 13, 2026
Jeneraal Katirsanaa Xukuumadda Yemen Oo La Sheegay In Uu Ubaxsaday Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

Jeneraal Katirsanaa Xukuumadda Yemen Oo La Sheegay In Uu Ubaxsaday Soomaaliya.

September 13, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-04-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-04-1448-Hijri.

September 13, 2026

Sawirro

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada