Dowladda Iiraan ayaa weerar cusub ku beegsatay deegaannada xoogga lagu dajiyay dadka Yahuudda ee kuyaal koonfurta dhulka Falastiin, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad sahaayino ah.
Ciidanka maamulka gumeystaha ayaa sheegay in Iiraan saaka oo Talaado ah soo qaadday ilaa lix weerar oo madaafiic ah, kuwaas oo ay u adeegsatay ilaa 15 gantaal oo ku hoobtay magaalooyinka kala duwan ee xoogga lagu dajiyay Yahuudda.
Gantaalka gaystay ugu khasaaraha badan ayaa ku habsaday dhisme kuyaal magaalada Bi’ru Sabca ee dhacda koonfurta deegaannada Yahuudda lagu deegaameeyay.
Gurmadka deg-degga Yahuudda waxay xaqiijiyeen in gantaalkaasi uu sababay dhimashasda lix qof oo sahaayino ah iyo dhaawaca 22 kale oo qaarkood ay aad u liitaan, wararka qaar waxay dhimashadu gaarsiinayaan ilaa 8 xubnood, halka burburka hoostiisa laga baadi_goobayo dad kale oo aan raq iyo ruux toona lagu haynin.
Weeraradan saaka dhacay ayaa yimid kaddib markii Donald Trump oo ah madaxweynaha Maraykanka uu shaaciyay in heshiis xabad_joojin ah laga gaaray colaadda u dhaxayso Yahuudda iyo Iiraan, burburka dhismeyaasha saaka ay beegsatay Iiraan ayaa sawirradooda lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo muujinaya khasaare baaxad leh oo ku dhacay Yahuudda.