Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Weerar Lagu Dilay Sarkaal Iyo Askar Yahuud Ah Oo Ka Dhacay Marinka Gaza.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Lagu Dilay Sarkaal Iyo Askar Yahuud Ah Oo Ka Dhacay Marinka Gaza.

June 25, 2025

Ciidanka maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay weerar kamiin ah oo Talaadadii shalay ahayd ka dhacay koonfurta marinka Gaza, halkaas oo askar iyo sarkaal ciidan looga dilay sahaayinada.

Taliska ciidamada maamulka Yahuudda ayaa bixiyay qiraal ku aaddan weerarka dhabbagalka ah, war kasoo baxay taliskaasi ayaa lagu sheegay in kamiinka looga dilay sarkaal sare iyo 6 askari oo sahaayino ah.

Ciidamada Yahuudda ayaa sheegay in sarkaalka iyo lixda askari ku dhinteen qarax miino oo muqaawamada Falastiin ay ku beegsadeen gaari ciidan oo ay wateen ciidamo ka tirsan katiibada Injineerinka ee maamulkaasi, gaariga ayay sheegeen in uu gubtay, askartii iyo saraakiishii la socotayna ay ku dhex gubteen, marka laga soo tago 7 dhimashada ah, waxay sidoo kale qirteen in kamiinkan looga dhaawacay 16 kale oo askar sahaayino ah.

Dhankeeda warbaahinta maamulka Yahuudda waxay sheegtay in kamiinka oo ahaa mid culus uu beegsaday ciidamo sahaayino ah ku socdaalayay magaalada Khan-yoonis ee dhacda koonfurta marinka, maamulka sahyuuniyadda ayaa dhanka kale sheegay in dhowr askari lagu waayay weerarka dhabagalka ah, waxayna u howlgeliyeen diyaarado nooca dagaalka, kuwaas oo dul heehaabaya goobta uu kamiinku ka dhacay si ay raq iyo ruux ugu helaan askarta la la’yahay.

Sidoo kale ciidamada Sahaayinada ee ku dhaawacmay weerarkan jidgalka ah ayaa lagu daabulay diyaarad nooca qumaatiga u kaca, waxaana la geeyay cisbitaal kuyaal magaalada Tal-abiib.

Warbaahinta Yahuuddu waxay sheegtay in rag ka tirsan muqaawamada ay kammiin culus u dhigeen ciidamo Yahuud ah, waxayna weeraradan si gaar ah uga dhaceen Khaan-yoonis, kooxaha muqaawamadu waxay beegsadeen gaadiid ciidan, mid ka mid ah gaadiidkaasi ayayna goobta ku gubeen sida ay soo wariyeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.

Weerarkan kamiinka ah ee ka dhacay Gaza, ayaa kusoo beegmaya xilli shalay ciidamada Yahuudda ay isla koonfurta iyo bartamaha Marinka Gaza ku dileen 80 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo 56 ka mid ah ay ahaayeen dad gargaar sugeyaal ah oo safaf ugu jiray sidii ay u heli lahaayeen wixii ay nolashooda ku maareyn lahaayeen.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -29-12-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 29-12-1446-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-06-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-06-1447-Hijri.

November 30, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-06-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-06-1447 Hijri.

November 30, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -09-06-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -09-06-1447 Hijri.

November 30, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)

November 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)

November 17, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)

November 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)

November 1, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada