Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkaan waxaa barnaamijka marti ku ahaa Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo aad wada taqaanaan, waxaana uu barnaamijku ku iftiimiyay xaqiiqada xorriyad ku sheegga ay Soomaalidu u dabbaaldegaan sannad waliba maanta oo kale, madaxbanaanidii 60-kii la qaatayse ma ahayd mid dhab ah.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.