Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Inka Badan 400 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dibadbaxyadii Gilgilay Kenya.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 400 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dibadbaxyadii Gilgilay Kenya.

June 26, 2025

Magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Kenya iyo magaalooyin kale waxay shalay martigeliyeen mid ka mid ah dibadbaxyadii ugu waawaynaa ee ka dhaca dalkaasi, kaddib markii kumannaan ruux oo cabasho ka ah dowladda ay isugu soo baxeen waddooyinka waawayn.

Dibadbaxyadan shalay billowday oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa looga soo horjeedaa xad-gudubyada ay ku kacayaan ciidamada ammaanka Kenya iyo sidoo kale musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira hay’adaha dowladda Kenya.

Dibadbaxyada ugu ballaaran ayaa ka dhacay bartamaha Nairobi, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne caraysan oo aad u fara badan, waxayna ku qaylinayeen erayo ka dhan ah dowladda Kenya, khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay dibadbaxyadii halkaasi ka dhacay.

Ciidamada Kenya ayaa la arkayay iyaga oo adeegsanaya rassaas nool nool, waxayna taasi keentay dhimasho iyo dhaawac tira beel ah, inkastoo si deg deg ah uu khasaaruhu usii kordhayo haddana tirakoobyadii u dambeeyay waxay xaqiijinayaan in iska hor’imaadyo toos ah oo dhexmaray Booliiska iyo kacdoon_wadeyaasha ay ku dhinteen 16 xubnood oo saddex ka mid ah ay yihiin Booliis.

Waxaa sidoo kale iska hor’imaadyada ku dhaawacay 400 kale oo isugu jiray dibadbaxyaasha, ciidamada Booliiska iyo wariyeyaal, waxaana khasaarahan lagu xaqiijiyay war kooban oo kasoo baxay guddiga qaranka ee ququuqda Aadanaha Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (KNCHR).

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in heerarka dhaawacyada u badnaayeen kuwa ay haleeshay rasaasta nool ee ciidanka Booliska, qaarna waxaa lasoo wariyay in lagu dhuftay xabbado cinjir ah oo ciidanka Boolisku adeegsanayeen, halka kuwo kalena dhaawacyo kasoo gaareen garaacis, numberka ugu badan ee dhaawacyada ayaa laga diiwaan geliyay caasimadda Nairobi.

Dibadbaxyada ayaa is haystay ilaa 23 degmo oo kuyaal ismaamullada kala duwan ee Kenya, waxaana dadka ku dhintay dibadbaxyada ka mid ah dad Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Cabdiqani Aadan Duroow oo da’diisa lagu sheegay 21 sano jir, waxaa xusid mudan inay joogsadeen dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee magaalooyinkaasi oo ay Nairobi ugu horrayso, waxaana ka mid ah suuqa xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso Andalus Podcast Iyo Xaqiiqada Xorriyad Ku Sheegga Ay Soomaalidu U Dabaaldegaan Sanad waliba.
Next: Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

Related Stories

Masar Oo Ku Baaqday In Dhakhso Loo Hawlgeliyo Gole-badeed Ka Dhan Ah Damaca Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Masar Oo Ku Baaqday In Dhakhso Loo Hawlgeliyo Gole-badeed Ka Dhan Ah Damaca Itoobiya.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -25-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -25-12-1447 Hijri.

June 11, 2026
Maamulka Deni Oo Go’aan Kasoo Saaray Maleeshiyo Kooxda Gurguurte Ka Abaabulayso Gudaha Degaannadeeda.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Deni Oo Go’aan Kasoo Saaray Maleeshiyo Kooxda Gurguurte Ka Abaabulayso Gudaha Degaannadeeda.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada