Magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Kenya iyo magaalooyin kale waxay shalay martigeliyeen mid ka mid ah dibadbaxyadii ugu waawaynaa ee ka dhaca dalkaasi, kaddib markii kumannaan ruux oo cabasho ka ah dowladda ay isugu soo baxeen waddooyinka waawayn.
Dibadbaxyadan shalay billowday oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa looga soo horjeedaa xad-gudubyada ay ku kacayaan ciidamada ammaanka Kenya iyo sidoo kale musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira hay’adaha dowladda Kenya.
Dibadbaxyada ugu ballaaran ayaa ka dhacay bartamaha Nairobi, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne caraysan oo aad u fara badan, waxayna ku qaylinayeen erayo ka dhan ah dowladda Kenya, khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay dibadbaxyadii halkaasi ka dhacay.
Ciidamada Kenya ayaa la arkayay iyaga oo adeegsanaya rassaas nool nool, waxayna taasi keentay dhimasho iyo dhaawac tira beel ah, inkastoo si deg deg ah uu khasaaruhu usii kordhayo haddana tirakoobyadii u dambeeyay waxay xaqiijinayaan in iska hor’imaadyo toos ah oo dhexmaray Booliiska iyo kacdoon_wadeyaasha ay ku dhinteen 16 xubnood oo saddex ka mid ah ay yihiin Booliis.
Waxaa sidoo kale iska hor’imaadyada ku dhaawacay 400 kale oo isugu jiray dibadbaxyaasha, ciidamada Booliiska iyo wariyeyaal, waxaana khasaarahan lagu xaqiijiyay war kooban oo kasoo baxay guddiga qaranka ee ququuqda Aadanaha Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (KNCHR).
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in heerarka dhaawacyada u badnaayeen kuwa ay haleeshay rasaasta nool ee ciidanka Booliska, qaarna waxaa lasoo wariyay in lagu dhuftay xabbado cinjir ah oo ciidanka Boolisku adeegsanayeen, halka kuwo kalena dhaawacyo kasoo gaareen garaacis, numberka ugu badan ee dhaawacyada ayaa laga diiwaan geliyay caasimadda Nairobi.
Dibadbaxyada ayaa is haystay ilaa 23 degmo oo kuyaal ismaamullada kala duwan ee Kenya, waxaana dadka ku dhintay dibadbaxyada ka mid ah dad Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Cabdiqani Aadan Duroow oo da’diisa lagu sheegay 21 sano jir, waxaa xusid mudan inay joogsadeen dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee magaalooyinkaasi oo ay Nairobi ugu horrayso, waxaana ka mid ah suuqa xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay.