Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda saliibiyada Uganda sidoo kalena ah qareen ayaa isniintii shalay la xaqiijiyay in laga helay duleedka magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi, kaddb maalmo uu gacanta ugu jiray ciidan afduubtay.
Ninkan oo lagu magacaabo Barnabas Tinkasiimere ayay ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa ammaanka ka afduubteen isla caasimadda Kampala, waxaana afduubkiisa xaqiijiyay ehelkiisa, ururka qareennada ayaa dhankiisa xaqiijiyay in afduubka ay gaysteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.
Xaaskiisa ayaa warbaahinta maxalliga u sheegtau in Tinkasiimire laga helay mid ka mid ah xaafadaha kuyaal duleedka Kampala isagoo ku sugan xaalad caafimaad darro, islamarkaana ay jirkiisu ka muuqdeen jirdil iyo dhibaatooyin kale oo loo gaystay.
Tinkasiimire ayaa ka mid ah xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Uganda si gaar ah xisbiga talada haya, balse waa nin si wayn u dhaliila siyaasadda madaxweynaha dowladda saliibiyadda Uganda Yoweri Museveni.
Afduubkiisa ayaa kusoo beegmay xilli dalkaasi uu isku diyaarinayo doorasho madaxweyne, Museveni na uu markale u tartamayo xilka madaxweyne si uu usii joogo kursiga ama kusii hayo qoyskiisa, waxaana 80-tan sano jirkan ku fadhiyay kursiga tan iyo 1986 la loollami doona Bobi Wine, oo ah ninka ugu wayn mucaaradka.
Siyaasiyiinta mucaaradka Yugaandha waxay Museveni ku eedeenayaan inuu wado isku day uu wiilkiisa, General Muhoozi Kainerugaba, taliyaha guud ee ciidamada Uganda ugu diyaarinayo inuu xilka kala wareego.
Bobi Wine, ayaa horay u sheegay in uu wajahayo hanjabaado joogto ah oo uga imaanaya taliyaha ciidanka Yugaandha oo ah wiilka uu shalay Museveni, kaasi oo dhowr jeer bartiisa bulsho ee X (twitter) kusoo qoray hanjabaad dil ah oo ku socota dadka kasoo horjeeda aabbihii sida Bobi Wine.