Xilli shacabka ku nool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyinka joogtada ah sida dilalka, baada iyo xarigga ayay wadeyaasha mootooyinka nooca Dhugdhugleyda maanta xirteen mid ka mida isgoysyada ugu muhiimsan gobolka Banaadir.
Wadeyaashan oo isku soo baxay sameeyay ayaa ku guuleystay inay muddo saacado ah xirtaan isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada Muqdisho, waxayna cabasho ka muujiyeen baad joogta ah oo aysan awoodin.
Waxay si gaar ah cabasho uga muujiyeen maleeshiyada sirdoonka Riddada ee (NISA) loogu yeero, kuwaas oo lacago baad ah kusoo rogay wadeyaasha, ciddii ka dhega adeegta bixinta baaddaasi waxay sheegeen in jirdil xooggan loo gaysto, furaha mootadana lagala wareego.
Mid ka mida wadeyaasha isku soo baxa sameeyay oo uu ka muuqday jirdil ay u gaysteen maleeshiyada sirdoonka Riddada ayaa sheegay in dhibaatooyinka lagu hayo ay si isku mid ah u dhacaan habeen iyo maalin, haddii ay wadeyaal ka yihiin mootooyinka Dhugdhugleydana ay dhibbane u yihiin maleeshiyada uu hoggaamiyo murtad Mahad Salaad.
“Habeen iyo maalin ayaa nala liif garaacaa, xalay ayaa ugu dambeysay oo laamiga ayaa la igu jiiday, annaga sharcigeenna waan haysanaa, waxay ku waydiinayaan laaluush, haddii aad bixin waysidna xabadka ayaa dhulka laguu dhigayaa waana lagu liif_garaacaa, Control walba oo Nabasugid ayaa sidaas naloogu dhibaateeyaa” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah mootoleyda isku soo baxa ka sameeyay Muqdisho.
Dhaca iyo falalka tuugannimada ah ee caasimadda ka jira ayay sheegeen in ay si wayn ugu lug leeyihiin maleeshiyada ashahaada la dirirka ah ee NISA, waxayna tani qayb ka tahay dhibaatooyinka joogtada ee lagu hayo shacabka ku nool gobolka Banaadir.