Saacadihii lasoo dhaafay waxaa cirka isku sii shareertay xiisadda colaadeed ee ka aloosan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii la ogaaday in maleeshiyaad daacad u ah madaxa kooxda riddada Xasan Sheekh Maxamuud ay duullaan kusoo yihiin deggaannadaasi.
Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo saq-barkii xalay shir-jaraaid ku qabtay hoygiisa magaalada Baladweyne, ayaa shaaca ka qaaday in uu ka war-helay duullaan ballaaran oo murtad Gurguurte iyo kooxdiisu ay soo abaabuleen oo kusoo wajahan bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.
Ugaaska ayaa guud ahaan reer Hiiraan ugu baaqay inay qoriga qaataan iskana difaacaan duullaanka kusoo wajahan ee ay soo qaadday kooxda Riddada ee garwadeenka uu ka yahay murtad Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa kale oo ugaasku baaq u diray maleeshiyaadka ka tirsan kooxda riddada ee u dhashay beesha iyo guud ahaan gobolka Hiiraan, isagoo faray in dhammaantood ay kasoo baxaan safka riddada kuna soo biiraan kacdoonka ka socda Baladweyne ee looga hor-tagayo duullaanka Gurguurte.
Baaqa Ugaaska kadib, gaari Cabdi Bile oo ah oo ay ka buuxeen askar ka tirsan maleeshiyaadka sirdoonka ee NISA, ayaa saaka ka goostay safka kooxda riddada, waxaanay iska xaadiriyeen guriga uu Baladweyne ka deggen yahay Ugaaska beesha Xawaadle.
Sidoo kale baraha bulshada waxaa si weyn ugu faafay maleeshiyaad wata gaari Dhayna ah, oo sida la sheegay kasoo goostey maleeshiyaadka riddada ee qaybta 27-aad, kuna biiray kacdoonka Baladweyne, iyagoo iska xaadiriyey guriga Ugaaska oo maanta si weyn loo buux-dhaafiyey.
Xiisadda Baladweyne cirka ayay isku sii shareeraysaa marba marka ka dambaysa, waxaana goor dhawayd lasoo tebiyey in ciidamo fara badan oo daacad u ah Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, ay dul-dageen lana wareegeen qaybo ka tirsan garoonka diyaaradaha Baladweyne.
Xiisaddan sii cakirmaysa ayaa timid, kadib markii shalay uu magaalada Baladweyne kasoo degay ku-xigeenka madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Hir-Shabeelle murtad C/Fataax Afrax, kaas oo sida la tuhunsan yahay hor-dhac u ah duullaanka Gurguurte doonayo inuu ku qaado gobolka Hiiraan.