Wararka ka imanaya gobollada Waqooyi ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in 2 qof ku dhinteen shaqaaqo ka dhacday deegaan lagu magacaabo Agabar oo hoos yimaadda degmada Gabiley.
Iska hor imaad dhex marey dad shacab ah iyo ciidanka Booliska Riddada ee Somaliland ayaa sababay dhimashada labadan ruux.
Goob Dahab laga qodayey ayaa la sheegay in dhibaatadani ka dhacdey. Shacabka deegaankaas ayaa bannaanbaxyo ka dhigay deegaanka taasi oo sababtey in askartu u adeegsadaan xabbado nool.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shacabka dergaankaasi diiddan yihiin shirkad macdaneed oo rabta in ay deegannadaas ka qoddo Dahab.